Khudbad Halqabsi Leh oo Wasiirka Madaxtooyaddu ku Iftiimiyay Mucaaridnimada ku Dhisan Aragtida Gaaban

0
62

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa khudbad dheer oo bisayl siyaasadeed ka muuqday isla markaana halku-dhigyo waaweyn xambaarsanayd  kaga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka  ka hirgalay iyo kuwa hadda qalinka lagu duugay ee  Somaliland la kaashatay saaxiibada caalamiga ah ee ay kasbatay ee Imaaraadka carabtu hormuudka ka yahay.

Wasiirka Madaxtooyadda oo Isniintii ka hadlayay xafladii furitaanka dhaamka xunbo-weyne ee dawladda Imaaraadka carabtu maalgelisay, ayaa si qotodheer u hoggotusaaleeyay shacbiga iyo xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku booriyay inaanay ku caaroonin horumarinta wadanka iyo dedaalada Somaliland wax kula qabsanayso beesha duwalka saaxiibka la ah Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu soo qaaday heshiiskii casriyaynta marsadda Berbera ee ay la galeen DP World uu noqday mid Puntland-na kaga dayatay Somaliland oo ay iyana heshiis dhinaca dekedda la xidhiidha la gashay DP World.Sidoo kalena waxa uu  si diblomaasiyadeed oo deganaansho leh shacbiga uga codsaday inay si dhow ugala shaqeeyaan xukuumadda mashaariicda horumarinta. Khudbadaas ayaa noqotay  mid aqlabiyada bulshadu soo dhaweysay una arkeen mid muujinaysa inay xukuumadda ka go’an tahay inay mashaariicda lagu taabogelinayo kaabeyaasha dhaqaaluhu ay noqon doonaan mid loo maro dariiqa sharciga ah oo dadweynuhuna kaalintooda ku yeelan doonaan.

.“Waxbaa innaga qaldan, waxana innaga khaldan, illeyn dadka kama liidano, kama nacasaysanin oo waxaaba aynu nahay dadkii dunida dilaali jiraye, magacyaynu dillaalkaba kula baxnaye. Waar xeradeenna kud-kude iyo qaniin ayaa galay, dad cudurro qaba oo horumarka ka soo horjeeda oo ay iskaga khaldan tahay mucaaridnimadii tartankii iyo horumarkii ummadda. Ilaahay ha soo hadeeyo iyaga, shacbigana waxaan leeyahay waar dadka inta wanaagga wada raaca oo wanaag ayaannu wadnaaye, nala jiibiya jaanta iyo jiibta nala qabta,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waxa kaloo uu tilmaamay in maalgashigu horumar gaadhsiiyo dhaqaalaha dawladaha adduunka, waxaannu yidhi; “Wax walba in aynu dibedda ka keensanno maaha, inaynu dhiig-baxno maalin walba oo aynu nidhaa yaa doolar haya innagoo aan doolar lacagteennu ahayn, lacag baynu leenahay ummad baynu nahay, maskax baynu leenahay, dadka kama xoog yarin, kama caqli yarin oo bani’aadmiga ayeynu la mid nahay. Dunida dhaqaalaheedu wuu korayaa. Waddanka aynu dariska nahay ee Itoobiya waxa uu samaystay qorshe maanta dhaqaalahoodu si layaab leh ayuu u koraa, markaa waxaynu u baahan nahay inaynu qaab noocaas ah u noolaanno. Tubtaas ayaanu qarankan ku wadnaa, kuna soo wadnay. Shacabka Somaliland waxaannu ka codsanaynaa inay nagu garab galaan in aanay dheg u dhigin kuwa nashuushadaynaya horumarka, nabadda iyo wanaagga kuwa ku cadanyooda (caarooda) in aanay dheg u dhigin.”

Wasiirka Madaxtooyada, ayaa sidoo kale sheegay in jiraan dad aan jeclayn horumarka waddanka, isla markaana ka qaylinaya heshiisyada maalgashiga Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta, isagoo xusay in aanay jirin cid ka soo horjeeda hawlaha Turkigu ka wado Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka Jabuuti.

“Soomaaliya waa walaaladeen oo barwaaqo iyo wanaag ayeynu la rabnaa. Waxooda ayey leeyihiin, inana waxeenna ayeynu leenahay. Waar waa kuwaas qorsahaha samaystay oo wax bay wataan. Saldhig millateri ayaa laga sameeyey, intaasoo saldhig millateri ayaa ah Jabuuti ee miyaa wali qaylo ka maqasheen saldhigyadooda? Wax baa la iibinayaa, waa la ina xadayaa, miyaad maqasheen iska daa oo ciidammo shisheeye ayaa jooga oo ka shaqeeya, miyaa qaylo ka maqasheen? Dekeddoodii ayaa la dhisayaa.

Dekedda Muqdisho waxa maamula Turkiga oo habeen qaylo kamaynaan maqlin, iyadoo la leeyahay maxaa Turki noo haystaa. garoonkooda diyaaradaha ee Aadan Cadde waxa maamula shirkad Turki ah oo dhista oo maalgelisa miyaad qaylo ka maqasheen. Shalay  Puntland ayaa heshiis la gashay shirkadda DP WORLD inay horumariso dekedahooda oo tallaabadii aynu qaadnay ayey sax u arkeen oo innagaga daydeen. Waan ku hambalyaynayaa dhammaan horumarka ay samaysanayaan miyeynu qaylo ka maqalnay?

“Wixii luuf-luuf iyo qaylo ka soo baxay horumarkii dekedeenna waa maqlayseen, wixii saldhigga millatari sifaha sharciga ah aynu uga kiraynaynay dawladda Imaaaradka ee ah kuwa waxan (mashruuca dhaam weyn oo laga hirgeliyey degaanka Xumbo-weyne) inoo qabanaya ee aannu dalka saaxiibbo u samaynaynay wixii ka dhacay waa maqlayseen. Waar maxaa gurigeenna qaylada ku koobay. Jabuuti intaas oo mashruuc oo horumarineed ayaa ka socda oo lacag $10 bilyan ku dhaw ayaa lagu dhisayaa, maanta runway (dhabbaha diyaaradaha) ayaa laga dhisayaa, garoon cusub ayaa loo samaynayaa, Dikhil ayaa laga wadaa, Tajorra ayaa laga wadaa dekedo. Bal eeg waxaas oo maalgashi ah dayn ayey qaadanayaan. Innagu dayn ma qaadan karno miyaad qaylo ka maqasheen?”

Sidoo kale, waxa uu sharraxaad ka bixiyey qorshayaal horumarineed oo xukuumadda KULMIYE u dejinayso Somaliland mustaqbalka dhow, waxaannu yidhi; “Qorshahaas aanu maanta wadnaa waxa uu salka ku hayaa shanta sanno ee soo socota Somaliland waxa aynu ka qaban doonno sagaal qaybood oo kala duwan maxaynu degaanka ka qabanaynaa? Sidee reer miyigeennu u noolaan doonaa, sidee baynu abaarahan iyo biyo la’aantan uga baxnaa? Maalin walba ma baryo ayeynu ku jirnaa iyo aynu nidhaahno noo soo gurmada dunida, qadhaan iyo muslimiinta Carbeed inaynu barinno  iyo dunida reer galbeedka waa dad dhiggeen ah ee waa inaynu wax qabsanaa. Waxaannu wadnaa oo xoogga saaraynaa in aannu dalkan biyihiisa xidhno in aannu dhaamam iyo ceelal dhaadheer samayno. Waxaannu doonaynaa xoolaha in loo dhaqo si ka duwan sida ay maanta u dhaqan yihiin, in wax loo beerto si qaabkan aynu imminka u beeranno ka duwan maxaa cimiladeenna ku bixi kara? Maxaa biyo yaraan ku bixi kara cuntadeennii in dad badan laga soo wada iibiyo maaha.”

Wasiir Maxamuud Xaashi, waxa kaloo uu ka hadlay dhismaha biyo-xidheenka cusub ee laga hirgeliyey degaanka Xumbo-weyne, kaas oo uu ku tilmaamay mid mid faa’iido weyn u yeelan doona Somaliland.

“Mashruucani waxa uu bilow u yahay inaynu baranno biyaheenna faraha badan ee socda inaynu qabanno oo ka faa’iidaysanno. Waxa ina naafeeyey oo ina tabaaleeyay abaaro soo noq-noqda, waxaynu helnaa biyaha laba waqti oo keliya, inta badan cimilada duniduna si xun ayay isu beddeshay marka la eego biyaha Somaliland ku dhaca labadaas waqti aqoonyahannada ku xeesha dheer markii ay qiimeeyeen ma aha biyo yar, waa biyo aad u fara badan oo innagu filan. Waxa dhulka hoostiisa gala iyo waxa badda gala waxay innooga baahan tahay caqli iyo xikmad kuma noolaan karno noloshii awowyaasheen markay geela, lo’da iyo adhiga dhaqan jireen sidii ay u noolaayeen shan qarni amma afar qarni ka hor maanta uma noolaan karno. Noloshii iyo dunidii oo dhan ayaa isbeddeshay, cimiladii ayaa isbeddeshay, reer magaal ayaynu u badannay, dad badan oo aqoon lehna weynu yeelannay miyigiina waa laga soo gurmayaa, markaa waxaynu u baahan nahay inaynu nolosheenna jihayno.”

“Ceelkan himiladiisa, higsigiisa iyo qorshihiisuba waxa uu ka yimmi Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Waxaannu dawladda Imaaraadka Carabta ula tagnay inay dhaamam noo qodaan, waxayna oggolaadeen laba dhaam; mid waa dhaamkan Xumbo-weyne iyo mid laga dhisi doono duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Waxa ay ahayd tijaabo ha la qaado bal waxa laga faa’iidi karo sida biyahaas loo qaban karo. Waxa xukuumaddu waddaa qorshe qaran oo shan sannadood ah 2017 ilaa 2022, qorshahaas waxaannu soo saaraynaa bisha dhow ee May. Xukuumadda xisbiga KULMIYE waxay samaysay qorshe qaran oo hore  qarankani qorshe ma uu lahaan jirin, markaa waa inuu qorshe yeeshaa. Qoyskeenna miyiga jooga ayaa qorshe lahaan jiray goorta uu guurayo, goorta uu kala xawa-wawirayo, goorta geelu u dhali doono, xilliga waxaraha iyo maqasha lagu sii daynayo adhiga. Waxaas oo dhan qorshe ayaa loo yeelan jiray, noloshuna kuma salaysnayn jaantaa rogan iyo haantaa hadhuub la’, ilaa gabadha miyiga joogta goorta ay wax dhali doonto ayaa loo miidaan dayi jiray, markaa noloshu qorshe ayey u baahan tahay, qaranna qorshe ayuu u baahan yahay. Qorshe ayaannu qaranka u samaynay shan sannadood ah oo aan hore u jirin. Wax badan baa ka xaqiiqoobay. Waa qorshaha xaqiijiya horumarkaas maanta muuqda, waa qorsahaha xaqiijiyay maalgashigaas oo iskama iman, wax cirka ka soo dhacaana ma jiraane wax kasta bani’aadam ayaa qorsheeya Alle-na waa aqbalaa, Ilaahay waxaynu ka baryaynaa inuu qorshaheenna inoo hirgaliyo,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here