Colaada Koonfurta  Sool oo Xanibtay Taakuleynta Bulshada Abaareysan

0
40

LAASCAANOOD- Colaada beelaha ee  ka taagan koonfurta gobolka Sool, ayaa hakad galisay gurmadkii gargaarka lagu gaadhsiin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhuqan deegaanada Geed-qudhunka, Fardareyga iyo Xidh-galool.

Colaaddan riiqda dheeratay ee ka taagan koonfurta gobolka Sool, oo muddo sannad ah soo jiitameysay ayaa waxaa markaliya hakad galay gaadiidkii gurmadka u siday dadka deegaanadaasi ku nool ee ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo ay xiligan deegaankaasi ka dilaaceen xanuuno uu ka mid yahay shuban biyood.

Hooyo Farxiya Aadan Cabdi oo ah afar iyo soddon jir kana heysata afar caruura kana mida dadka deegaankaasi, oo la hadashay Radio Ergo ayaa faahfaahin ka bixisay saameynta abaarta iyo colaadaha isugu darsamey ay ku yeesheen, waxaanay tidhi “Dhibta meesha nagu heysta waxa weeyaan ma jirto goob ay biyo noo soo maraan, gaadiidna ma lihin aanu ku soo dhaansano, dadkuna dad xoolaley ah bay ahaayeen oo  neefkooda ayay biyo siisan jireen, wadada banaan ayuu tagi jiray, wadadiina colaaddii ayaa ku kala kaxeysay oo sidaasi ayay u xidhantay, labada deegaan inta u dhaxeysa uun bay dadkuna wada degi jireen, dadkiina waa uu ka cararay, anaguna waanu ka cararnay, waddooyinka baabuurina imika ma mari karaan, waayo baabuurkii soo mari lahaana waxaa uu ka baqanayaa colaada meesha ka jirta waxaanu is leeyahay jidka ayaa laguu gali doonaa, nafta dadka uun baa hadda la ilaaliya ee xoolaba cidi ma daneyso”

Hooyo Farxiyi waxaa ay xustay in ay  nolosha caruurteeda ku maareyso  daqiiq ay biyo ugu darto kadibna ay dabka u saarto waxaanay tidhi  “Run ahaantii wax raashina oo aanu heysanaa ma jirto ee daqiiq ayaa inta aanu biyo ku darno aanu u walaaqnaa haddii aanu sonkor helno waanu ugu darnaa iyo bariiskana marna waanu helnaa marna waanu weynaa, caruuraha qaar baa hadda shubmaya, qaarna sidii kaneecadii oo kale ayaa loo qabanayaa, caruurtana intaanu ka warqabno saddex ayaa u geeriyooday xanuunkan shuban biyoodka”

Hooyo Khadiija Muuse Cali waa shan iyo soddon jir waxaa ay heysata siddeed caruura waxaanay degan tahay deegaanka Geed-qudhanka oo 25-km koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, waxaanay sheegtay in xaalada nololeed ee caruurteedu aad u liidato iyada oo arrimahaasi ka hadleysana waxa ay tidhi “Caruurta hargab iyo shuban iyo sidii kaneeco ayaa loo hayaa, waxaana caruurta shubey biyaha adag oo aan aheyn qaar la cabi karo, ilmuhu waa uu xumadoonayaa, intaas kadibna naqaska ayaa ku dhagaya, badina caruurta intooda badani waa ay shubmayaan mana heyno awood dhaqaale oo aanu ku geyno goobaha laga helo adeegyada caafimaadka”

 

Khadar Maxamed Xaashi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here