Taariikhda Maalinta Shaqaalaha Adduunka Ee 1-da May

0
36

Guddoomiyaha Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland, Maxamed Axmed Cabdi, ayaa ka hadlay taariikhda maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da Bisha May sannad kasta caalamka laga xuso. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu xalay na soo gaadhsiiyay oo u qornaa sidan:-

 “Dad badan ayaa rumaysan in Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1-da May ay ahayd firkrad Shuuciyad ah amaba  ay tahay xus si caalami ah waqtiyo dhow u soo If-baxay.

 

ase yeeshe, Aragtida Xuska Maalin Fasax ah oo u taagan hanashada Yoolka ah in Siddeed ( 8) Sacadood lagu soo koobo Shaqada Maalinta- waxay ka dhalatay Dalka Ustareeliya.

Aragtida farxadda leh ee ah in Dabaqada Xoogsatada u dabaal-degto ama la gaadho Maalinuun in Sacadada Shaqada lagu soo koobo ( 8) sideed Saacadood, waxa ay ka  dhalatay Dalka Austrlia. Shaqaalihi halkaasi joogay ayaa Sannadii 1856 soo qaban-qaabiyey maalin gebi ahaanba laga Nasto Shaqada si isku Duubni ah, iyaga  oo Maalintaasi- kulanno, shirar, Nasasho iyo Maaweelo kala duwan ku soo Bandhigay Saacadihi ay marki hore Shaqayn jireen.

Dalkii ugu horreeyey ee Aragtidani Australia ka timi qaatay ayaa ahaa Dalalka Ameerika iyo Kanada.. Maraykanka ayaa Sannadkii 1886 Go.aamiyey in Maalinta ugu horreysa Bisha May 1 loo aqoonsado dunida oo dhan Maalin laga Fadhiyo lana Joojiyo Shaqada. Maalintaasi 200,000 oo Shaqaale ah ayaa ka tegay Goobihii Shaqada, iyagoo weliba Dalbanaya in La siiyo Lacagahoodana. In muddo ah– Ciidamada Booliska iyo Xeerer Ciqaabeed ayaa Shaqaalaha ka hor-joogsaday inay sameeyaan sidaasi ama ku celiyaan Maalintaasi oo kale. Si kastaba ha ahaatee, hadana Sannadkii 1888 ayey mar Labaad dib u soo Cusbooneysiiyeen Go’aankoodi ahaa in may 1 1890 la dabaaldego,

 

           Rabitaankaasi Shaqaale, waxa uu u gudbay magaalada Haymilton ee Gobolka Kalifooniya ee Dalka Marakanka. Waxa kale oo uu u sii gudbay Magaalada Toronto ee Dalka Kanada sannadki 1886, taasi oo ay ka dhalatay soo if-baxii Qaynuunka Ganacsiga sannadki 1872 oo lagu xusay  ilaalinta dhaqdhaqaaqyada Shaqaalaha . ( Sababo: Ganacsiga loo Shaqeeye leeyahay, kama maaarmo Cid u Shaqaysa oo Shaqaale ah)

           1 May 1886 ayaa loo doortay inay noqoto maalinta iyo sannadka aasaaska Ururada shaqaale –weynaha  iyo Kanada laga bilaabo, waxa la sharciyeeyey aragtida ah in Maalintii (8) Saacadood laga shaqeeyo.

           Bannaan- baxyo iyo Dabaal-degyo ayaa sidoo kale lagu qabtey IPSWICH.,Bishii May 1 1891, halkaasi oo Hawl ka Fadhiisi ay ka Qayb Qaateen 1,000 qof uu ka dhacay caasimada labaad ee Australia-Melbourne, waxay qabsatay dabaal-dega xuskii ugu horreeyey ee maalinta shaqaalaha adduunka 1st May 1892.

           Gadoodki Shaqaalaha ee Haymarket ee 1886 ee Shikaago, waxay Madaxeynihi Maraykanka ee xiligaasi Kayfilant ku abuurtay in Xuska 5/09/ ee Shaqaaluhu ay la Mataanowdo Maalinta Caalamiga ah ee I-da May-sababo-Raadkii ka dhashay Dilki Shaqaale ee Boolisku ku Laayeen Magaalada Shikaago ee Gadoodka la xidhiidhay in Saacadfaha Shaqadu ayna ka badnaan (8) Sideed Saacadood.

  1. Haymarket, waxay Salka ku haysa dhacdadii Shaqo Joojin Guud ee ka dhacday Magaalada Shikaago ee Goboboilka Iliino ee Maraykanka,

 

  1. Shaqo joojintaasi oo ay ka wada qayb galeen Shaqaalaha Noocyadiisa Xirfadeed ee kala duwan
  2. Shaqo joojintaasi oo gadood ay Shaqaaluhu muujiyeen weheliyo, waxa ka dhashay inay Ciidanka Boolisku Rasaas huwiyeen (4) Afar ka mid ah Mudaharaadyaashi oo ka tirsan Shirkada Makar-Miik ee wax soo saarka Beeraha, Arrintaasi oo maalinti xigtay ummad badani iskugu soo baxeen barxada ;lagu magacaabo Haymarket ee Shikaago.

 

  1. Isku soo baxasi si Nabadgelyo ah ayuu u socday ilaa Boolisku u soo galeen inay kala dareeriyaan mudaharaadka..

 

  1. Waxa dhacday in qof aan la garanayn u Bamboo ku Qarxiyey Ummaddi Mudaharaadaysay, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 12 qof oo Askari ku jirto, waxa xigtay in (8) qof maxkamad muran ka dhashay la saaray oo fakir siyaasadaysan lagu arooriyey, hase yeeshe aan qaraxaasi lala xidhiidhin, taasi oo (7) qof dil ku xukuntay.
  2. Dhacdadaasi Haymarket oo caalamka gaadhay, waxay noqotay si loo xuso Shaqaalahaasi la laayey in Ida May ee Sannad walba la Xuso, iyo inay u taagan tay Dalabki in (8) Saacadood Maalinti Shaqada laga dhigay.

           Ugu danbayn, hadalo badan oo kala dambeeyey ayaa dhammaantood  hoosta ka xariiqay in meelo badan dunida iyo sida taariikhda lagu hayaba Shaqaalaha loola soo dhaqmey Hab Addoonsi ah, ama loola dhaqmo Hab Duleyn ah ama Cadaadis badan la Saaro,  waxana  suurtagal ah in dawladdo badani inay ku fashilmeen Hagaajinta Baahiya iyo Horumarinta Shaqaalaha Wadankeeda     

 Gadoodki Shaqaalaha ee Haymarket ee 1886 ee Shikaago, waxay Madaxeynihi Maraykanka ee xiligaasi Kayfilant ku abuurtay in Xuska 5/09/ ee Shaqaaluhu ay la Mataanowdo Maalinta Caalamiga ah ee Ida May-sabao raadkii ka dhashay Dilki Shaqaale ee Boolisku ku laayeen Magaalada Shikaago ee Gadoodka la xidhiidhay in Saacadfaha Shaqadu ayna ka badnaan (8) Sideed Saacadood.

 

Haymarket, waxay salka ku haysa dhacdadi shaqo joojin Guud ee ka dhacday Magaalada Shikaago ee Goboboilka Iliino ee Maraykanka,

Shaqo joojintaasi oo ay ka wada qayb galeen Shaqaalaha noocyadiisa Xirfadeed eek ala duwan.

Shaqo joojintaasi oo gadood ay Shasqaaluhu muujiyeen weheliyo, waxa ka dhashay inay Ciidanka Boolisku Rasaas huwiyeen (4) Afar ka mid ah Mudaharaadyaashi oo ka tirsan Shirkada Makar-Miik ee wax soo saarka Beeraha, arrintaasi oo maalinti xigtay ummad badani iskugu soo baxeen barxada ;lagu magacaabo Haymarket ee Shikaago.

Isku soo baxasi si nabadgelyo ah ayuu u socday ilaa boolisku u soo galeen inay kala dareeriyaan mudaharaadka.

Waxa dhacday in qof aan la garanayn u bamboo ku qarxiyey Ummadi Mudaharaadaysay, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 12 qof oo Askari ku jirto, waxa xigtay in (8) qof maxkamad muran ka dhashay la saaray oo fakir siyaasadaysan lagu arooriyey, hase yeeshe aan qaraxaasi lala xidhiidhin, taasi oo (7) qof dil ku xukuntay.

Dhacdadaasi Haymarket oo caalamka gaadhay, waxay noqotay si loo xuso Shaqaalahaasi la laayey in Ida May ee Sannad walba, iyo inay u taagan tay dalabki in (8) Saacadood MAALINTI Shaqada laga dhigay.

Rabitaankaasi Shaqaale, waxa uu u gudbay magaalada Haymilton ee Gobolka Kalifooniya ee Dalka Marakanka. Waxa kale oo uu u sii gudbay Magaalada Toronto ee Dalka Kanada sannadki 1886, taasi oo ay ka dhalatay soo if-baxii Qaynuunka Ganacsiga sannadki 1872 oo lagu xusay  ilaalinta dhaqdhaqaaqyada Shaqaalaha . ( Sababo: Ganacsiga loo Shaqeeye leeyahay, kama maaarmo Cid u Shaqaysa oo Shaqaale ah)

1882 Guddoomiyihi Ururada Shaqaalha ee Maraykanka Baytar Maqwayir wuxuu ka qayb galay Xaflad Xuska Maalinta Shaqaalaha loo sameeyey oo ka dhacday Dalka Kanada Magaalada Toronto. Dareenkii uu Guddoomiyaha ururada Shaqaalaha Maraykanu uu kala yimid Xafladi Shaqaalaha ee Dalka Kanada, waxa uu abaabulay isla markii u ku soo noqda Magaalada Niyuu-yorka Xuska Maalinta Shaqaalaha ee 05/09 ee Sannad walba.

 

Dalka markaykanka- markaynu soo qaadano- Xuski Maalinta Shaqaalaha ee ugu  horreysay waxay ka dhacday Magaalada Niyuu-YorkaBoolman Istarayt 05/09/1882. Xuska waxa lagu dilay tiro shaqaale ah oo Gacanta Ciidamada Maraykanka uu Ilasalahy sabab uga dhigay- Xuskaasi oo ka dhacay

Dhinaca kale waxa jirtey dhacdooyin badan oo la xidhiidha Sooyaalka Taariikhda maalinta adduunka gaar ahaan gudaha Australia tan iyo intii laga soo gaadhaayey sannadkii 1950.

 

Sidoo kale Gadoodki Shaqaale ee dhacay 1894, Madaxweynihi Dalka maraykanka ee xiligaasi Qorfar Kalifland, wuxuu la galay heshiis Xisbigi Shaqaalaha.

 

Iyadoo laga baqaayo in Gadoodka iyo Mudaharaadyadu, waxa la sharci gareeyey Maalinta Shaqaalaha oo Maalin fasax ah laga dhigay oo Kongarayska maraykanku ansixiyey, lix cisho ka dib shaqo oojintii  iyo gadoodki.

 

Hase yeeshe Fikraddaasi waxay Sannado ka dib u gudubtay Dalka Maraykanka- halkaasi oo Magaalada Shikaago uu khilaaf ka dhex dillaacay Shaqaale iyo Loo Shaqeeyaha kuna saabsan in hoos loo dhigo saacadaha Shaqada oo la gaadhsiiyo ila sideed ( 8) Saacadood maalintiiba

Shaqaalahaasi ( Ustareeliyanka) ah ku beegnayd 21/04/1856 ayaa go’aansaday Shaqo Joojin taam ah oo weliba ay raaciyeen Kullano iyo damaashadyo oo dalabkooda ku ladhnaa.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here