Faysal Cali Waraabe: ‘Shir Badbaado Qaran Ayaanu Qaban Doonaa Haddii Aanay Xukuumaddu Shaqadeeda Qabsan’

0
40

HARGEYSA-Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumadda ugu hanjabay inay qaban doonaan shir badbaado qaran, haddii ay dalka u shaqeyn waydo oo ay ka hadhi waydo wax uu ugu yeedhayn kaambaynka ay u samaynayso xisbal-xaakimka KULMIYE.

Eng. Faysal, waxa kaloo uu sheegay in si xun loo maamulay oo aan arrin qaran laga dhigin Guddida gurmadka abaaraha. “Guddida abaaraha si xun baa loo maamulay arrin qaran lagama dhigin, waddaado ayaa loo dhiibay. Maanta dadkeennii reer miyiga ahaa gaajo ayaa haysa, marka maanta roobku helo iyagoo aan waxba haysan way bakhtiyayaan. Maantana haddii roobku da’o  haraadkii ayaa baxayee, gaajadii iyo xoolo la’aantii way taagan tahay. Waa in qorshe lala yimaadaa oo dadka xoolo la gaadhsiiyaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo Axadii ka hadlayay xaflad xisbigiisu ku qabtay Hargeysa.

“Sicirbararkii waa halkiisii, haddii aanay dawladdu shaqadeeda qabsan waddooyin kale ayaanu mari doonaa haddii dawladdu shaqadeeda qabsan waydo oo aanay ka hadhin kaabaynka ay xisbiga KULMIYE u wadaan. Waxay nagu kalifaysaa inaanu shirno oo WADDANI kicinno oo Madashii kicinno oo mutacalimiinta kicinno oo samayno oo aanu samayno shir badbaado qaran, taas ayaad nagu kalifaysaan (Xukuumaddu) haddii aan shaqeyn waydaan.”

Gudgude/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here