Magacabista xilalka dawladnimo ma xulashaa, ma xal baa mise waa xigtanimo (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

0
56

Magacaabista, isku badalka iyo xil ka qaadistuba waa sunaha dawladnimo taas oo uu gadhwaden uga yahay hadaba cida talada iyo kalsonoda shacabka hanata oo ah hogaamiyaha qaranka ,sidaa daradeed waxaan aragnaa in ay wakhtiyo badan isbadal ku yimaado dhamaaan masuuliynta qaranka ee madaxda ka ah laamaha dawladda min heer gobol ilaa heer qaran.

Waxaa marag ma doon ah in masuuliyinta ku loolamaya xilalka kala duwani ay aad u badan yihiin islamar ahantana xilalkuna aad uga yar yihiin, sidaa daradeed waxaa in badan lays wayadiyaa maxaa lagu kala xulaa Cv ay soo gudbiyaan kuwaas oo ay ku cadaynayaa heerkooda wax barashado,nooca  khibradaha ay leyihiin iyo siday u muujinayaan in hadii xilkaa loo dhibo sida uu wax u qaban doono, bal aynu isku dayno inaan waxoogaa sharaxada ka bixino sifooyinka lagu xusho hawl wadeenada.

(1) Xulasho

Mudanaha lagu qanco in xilka qaranka uu hanan karo loona igmadaa waa mid ku yimada hawlkarnimo ,karti iyo hufnaan shaqo  sababtoo ah waxaaa la og yahay heerkiisa waxbarasho intay gaadhsisan tahay, aqoonta uu u leyahay shaqadan loo igmaday waxay tahay iyo khibrada shaqo ee uu u leyahay shaqada taasa ka dhigta inuu safka hore ka gallo xilalkaa la magacabayo waana waxyaalaha ugu mihiimsan ee ah in lagu hambalyeeyo madaxweynaha leh awooda magacbista xilkaas sababtoo ah kumuu magacaabin reernimo, kumuu magacaabin odayaal dhaqameed iyo guurti u keentay ee wuxuu xilkaa ku xushay waa aqoonta iyo khibrada uu leyahay shaqada.

(2) Xal 

Somaliland waxay soo martay herer kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wakhtiyadii laga soo noqday halgankii dib u xoraynta dalka taas oo la yimi wadan gabi ahaanba ay burbureen hananki iyo haykalkii dawldnimo, si hadaba loo soo celiyo nidaamki dawladnimo waxaa 18 may 1991 loo dortay madaxweyne Cabdirahmaan tuur( AHN) wakhtigaa waxaa la qabtay shirar dib u heshisined oo lagu yaglelayo hanan dawladnimo oo ay u dhan yihiin beelaha somaliland wada daga dhamantood,

Wakhtigaa waxaa talada lahaa odayaal dhaqmadeedka iyo saraakishii SNM ee wadanka iyagu xoreyey oo dabada ka riixayay hadaba cida reer walba umatalaysa dawlada la dhisaayo, waxaa ku xigay dawladii lagu soo dhisay shirwaynihii boorma kaas oo isna ay gacanta ku hayeen odayaal dhaqameed ka koban dhamaan gobalada somaliland oo iyagu reer waliba keenayeen kooda u matalaya dalwada la dhisaayo iyasoo lagu xulayo xal, wakhiyadii ka dambaysay ee uu talada dalka cod ku yimi madaxweyne Riyaale lagama tagin tii xalka ee wali way sii socotay in kuraasta dawlada qaab xal ah lagu qaybsado oo aan laga madhnaan in shikhsiyaadka lagu xusho kartidisa shaqo, wakhtigan xaadirka inkastoo ay yaratay qaabki xalka reeraha ee kurasta lagu magacabi jiray hadana awali way socotaa oo waxad arkaysaa siyaasi odayal wadaan oo dabada ku haya hub reernimo iyo kursigaa anaga leh

(3) Xigtanimo

Dalkena Somaliland waxa jooga aqoonyahano  leh heer waxbarasho oo aad u sareeya iyo khibrado shaqo oo aad u balaadhan balse hadii aanu lahayn xildhibaan, wasiir, iyo guurti horkaca oo qaada Cv waxaa boosaskodi gala kuwa lagu keeno xigtanimo oo ay kenan xildhibaano wakiilada, wasiiro, iyo guurti kuwaas oo mid waliba ku dadaalyo ka ay haybta wadaagan uu xil iyo mansab la donaayo inuu helo,xigtanimadu waa caqabad ina haysata oo hortaagan xulashadii dadkii laha xilkasnimada iyo hufnaanta shaqo.

Guntii iyo gaba gabadii waxaan ku talin lahaa mudane madaxweyne waxaan ka codsanaynaa dalkeenu waxaa uu marayaa 25 sano manta waa inaad jeexdaa nidaam  xilalka dawladnimo aad ku xulato aqoon, hufnaan iyo hawl karnimo, kana joojiso odayaal dhaqamedka iyo guurtidan keenay kolba kay ood wadaagta yihiin.

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

Samiir.net@gmail.com,

 00252-634241542

a xulashaa, ma xal baa mise waa xigtanimo (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here