GAROOWE- Dowladda Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sheegtay in ciidammada Badda ee Shiinuhu ay ku soo wareejinayaan saddex nin oo budhcad baddeed ah oo dhowaan la qabtay, iyagoo isku dayayay inay afduubaan markab ganacsi oo laga lahaa dalka Hindiya.
Siday ku warantay Horseed Media, Agaasimaha Wasaaradda dekedaha C/majiid Samatar Jaafaan, oo waraysi siiyay Wargayka Ummadda , wuxuu sheegay in soo wareejinta budhcad-badeedu ay ka dambaysay wadahadalo saddex geesood ah oo dhexmaray Wasaaradda dekedaha, Hay’adaha ka caawinaya Puntland la dagaalanka Budhcad-badeeda iyo Ciidammada Shiinaha ee ka howlgala badweyna Gacanka Cadmeed, waxaana socoto ayuu qabanqaabada soo wareejinta ragaas.
Agaasimuhu wuxuu xusay labada nin ee baxsaday ay ku sugan yihiin degmooyin ka tirsan gobolka gardafuur, oo ay ku raadjoogaan, dhowaana ay rajaynayaan in gacanta lagu soo dhigo.Saddexda nin ee dhowaan lagu soo wareejin doono Puntland ayaa la kala yidhaahdaa Maxamed Cabdulahi Maxmed, Cabdikariim Saalax Maxmed iyo Maxmuud Mahad Yuusuf,
Gudgude/Hargeysa