Siyaasi ka Hadlay Dhibaatooyin ka Qabsaday Nusqaanta  Basaboorka Somaliland oo uu ku Safray

0
69

 

HARGEYSA-Siyaasiga Maxamed Cabdi Daa’uud, oo marna ahaan jiray Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa sheegay in Baasaboorka Somaliland la hagraday oo qiimihiisii dawladdu dishay.

Maxamed Cabdi Daa’uud, waxa  uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu shalay ku baahiyay bartiisa Face-book, waxaanu sheegay inuu dhibaato ka mutay mar uu ugu safray Madaarrada  Dubai, Istanbuul iyo Qubrus. “Intaan qaatay Passportka Somaliland ayaan ku jibaaxay madaarrada Dubai, Istanbul iyo Cyprus. Maxaa igu watay?! Saa Ya’jooj iyo Ma’juuj Madaarradaas taagan, oo u kala dhoofaya Qaaradaha Adduunyada ayaa mar keliya sidaas ii soo wada eega, markii gaar la ii faquuqay, iyaga oo isla: “Baga ayaa laydinka qabtay argagixisadan isku kiin qarxin lahayd,”ayuu ku yidhi qoraalkiisa Maxamed Cabdi Daa’uud.

Isagoo ka hadlayay siduu u kala dhantaalan yahay Baasaboorka Somaliland waxa uu yidhi;  “Maxay igu haystaan? Baasaboorkayga ayaan ahayn Digital uu fahmi karo Komputarku.  Waxaa iga soo hadhay; ‘Aar, bi’i waayee ka daaya oo photocopy ku sawirta!’ Baasaboorka  Somaliland waxa laga hagraday $160,000 oo lagu sameeyo Jibkaas. Soo markaas ma nihin Awr Heeryadii Cunaya.”

Gudgude/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here