Taliyaha Maraykanka Ee Africom oo Muqdisho Kula Shiray Madaxweynaha Soomaaliya

0
49

 

MUQDISHO– Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Magaaladda Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka  ee  Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser.

Kullanka oo saxaafaddu ay bannaan joog ka ahaayeen  waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka, Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya  iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Saraakiil kale.

Kullankan ayaa looga hadlay Kaalmadda milateri ee maraykanku siinayo dowladda federaalka, Tababarada la siinayo ciidamadda Soomaaliya, Dhismaha ciidamadda Federaalka iyo la dagaalanka Kooxda Al-shabaab. Siday faafisay Horseedmedia.

Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya u soo diray ciidamo maraykanka oo tababaro siin doono ciidamadda Soomaaliya,  waxaa kaloo uu u aqoonsaday koofurta iyo bartamaha Soomaaliya goob dagaal.

Gudgude/Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here