Denmark oo Somaliland u Soo Jeedisay Inay Dedejiso Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka

0
36

HARGEYSA- Wefti uu hoggaaminayay Xoghayaha Dawladda Denmark u qaabilsan Siyaasadda Horumarinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mr. Martin Bille Hermann iyo Safiirka Denmark u fadhiya Kenya , Mrs. Mette Knudsen, una qaabilsan Somaliland/Soomaaliya, ayaa sheegay in ay madaxweynaha Somaliland kala hadleen suurtogalnimada in la soo horumariyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka oo hore loogu kala cayimay sannadaha 2018 iyo 2019-ka.

Weftigan oo maanta la kulmay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay inay kala hadleen sii xoojinta wada shaqeyn muddo sannado ah ka dhaxaysay Somaliland iyo dawladooda.

Mr. Martin Bille Hermann oo ka hadlayay iskaashiga dhow ee ay la leeyihiin Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxaan ku faraxsan nahay inaan ku soo noqday Somaliland oo aan Imid daboyaqadii Bishii August ee sannadkii 2014-kii, waxaan madaxweynaha uga mahadcelinayaa wakhtigii uu na siiyay. Denmark, DANIDA iyo Somaliland muddo dheer ayay hawlwadaag ahaayeen oo ay soo wada shaqeynayeen. Sidaas darteed wadahadalladayadii maantu waxay la xidhiidheen uun cilaaqaadka adag ee naga dhaxeeya. Daruuri ma aha inaanu wax walba isku waafaqno, laakiin waxaanu u wada falanqeynay qodobbadii aanu isla soo qaadnay si saaxiibtinimo leh oo wax toosin ah, waxaanan is dhaafsanay tallooyin.”

“Mid ka mid ah qodobbadii aanu ka wadahadalnay, waxa uu ahaa abaarta iyo baahida loo qabo in looga hawlgalo si qaran isla markaana ay beesha caalamkuna kaalin ka qaadato. Waxaan ku faraxsan nahay inaan madaxweynaha Somaliland u sheegay in dawladda Denmark ay ku degdejinayso gurmadkeeda ay kaga qayb gaadanayso abaarta, si looga gaashaanto in abaartu isu bedasho macaluul. Waxaan ku niyadsamahay in Somaliland uu wakhtigan ka curtay roobkii,”ayuu yidhi Xoghayaha dawladda Denmark ee siyaasadda horumarintu.

“Waxa kaloo aanu gorfaynay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland ka jira oo ay ka mid tahay in doorashada madaxtooyada ee muddaysan inay qabsoonto Bisha November ee sannadkan iyo suurtogalnimada haddii hore loo soo marin karo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha degaanka. Waxaanu u caddeynay inay arrinta muhiimka ahi tahay in codka dadka reer Somaliland uu kordhinayo inay helaan horumarin waxtar leh iyo adeegyada loo qabto shacabka reer Somaliland,”ayuu yidhi sarkaalkan oo ka hadlayay shirjaraa’id oo ay maanta wadajir ugu qabteen madaxtooyada Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wax yar uun ka dib markii uu dhammaaday kulankii madaxwynuhu la yeeshay weftigan.

Wasiirku wuxuu sheegay in Denmark iyo Somaliland iskaashi saaxiibtinimo ka dhaxeeyo, waxaannu yidhi; “Waxaanu la kulanay weftigan uu Hoggaaminayay Xoghayaha Dawladda Denmark ee horumarinta u qaabilsan ee DANIDA, Mr Martin Bille Hermann iyo Safiir Mrs. Mette Knudsen, wadanka Denmark waa waddan aynu leenahay cilaaqaad aad taariikhi ah, kuna leenahay jaalliyad aad u ballaadhan oo reer Somaliland. waxaanu ka wadahadalay arrimo badan oo la xidhiidha sidii aynu u xoojin lahayn iskaashigeenna iyo cilaaqaadka aynu la leenahay.”

“Waxaanu isla soo qaadnay arrimo ku wajahan xaga doorashooyinka Somaliland iyo lacagta ay innoo soo mariyaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF iyo qodobbo kale oo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya khuseeya. Waxaanan rejaynayaa in kulankani uu sii adkayn doono xidhiidhkii labada dal ee Somaliland iyo Denmark ee markii horeba adkaa,”ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaagnews/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here