Soomaaliya: Askari  Toogasho ku Dilay Wasiirkii Hawlaha Guud

0
29

 

 

MUQDISHO-Askari ka tirsan ilaalada Hanti-dhawraha guud ee Soomaaliya, ayaa caawa Fiidkii toogasho ku dilay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska, Cabaas Siraaj, meel u dhow Madaxtooyadda Muqdisho xalay cawayskii, siday caddeeyeen Booliska dawladdu.

Ilaalada hantidhawraha guud ee Soomaaliya, Nuur Faarax, ayaa rasaaseeyay Baabuur siday bar-kaantarool oo u dhow aqalka madaxtooyada, sida uu sheegay Kabtan Maxamed Xuseen oo ka tirsan Booliska Muqdisho. Lama oga sababta keentay in la toogto Wasiirkan oo ahaa qofka ugu da’yar Golaha Wasiirrada Soomaaliya, waxaanu cimrigiisa intiisa badan ku soo qaatay xeryaha qaxtoontiga ee Kenya, halkaasi oo uu waxbartay, kuna soo barbaaray.

Wasiirka Warfaafinta dawladda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa shacbiga ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirka oo uu ku tilmaamay inuu ahaa “Xidig dhallinyaro ah oo ay ka go’nayd inuu u shaqeeyo dalkiisa.”

Cabsida ammaanka ayaa magaalada Muqdisho ee dalkaas Soomaaliya aad u sareysay maalmihii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabay in kooxda AL-Shabaab ay qaraxyo ka geysato Huteelada iyo xarumaha dawladda. Iyadoo warku sheegay in  Salaasadii Madaxtooyadda Soomaaliya laga qabtay askar looga shakiyay inay  si qarsoodi ah uga tirsan yihiin kooxdaas.

Gudgude.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here