Maraykanka oo Soomaaliya Lagaga Dilay Askari, Laba Kalena Lagaga Dhaawacay

0
51

MUQDISHO-Millatariga Mareykanka, ayaa sheegay in mid ka mid ah ciidammadooda khaaska ah lagu dilay khamiistii  gudaha Soomaaliya, laba kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Warbixin laga soo saaray taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika, ayaa lagu sheegay in askarigani uu ku dhintay meel qiyaastii 60 KM dhanka galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

siday sheegtay BBC-du, Warbixinta waxaa lagu caddeeyay in ciidammada Mareykanka ay caawinayeen millatariga Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.Bishii la soo dhaafay ayaa tiro ciidamo ah oo Mareykan ah waxa la geeyay gudaha Soomaaliya si ay u tababaraan isla markaana u qalabeeyaan ciidammada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika. Inkastoo ciidamo yar oo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada ee Mareykanku ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, haddana Ciidammadan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo Soomaaliya la geeyo tan iyo sannadkii 1994-kii.

Gudgude/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here