Taxanaha Nolol la Xasuusto Q.14-aad

0
111

“Hore ayaa loo yidhi; ‘Nin aan ku furi doonin yuu ku xidhin.’
Siciid Maxamed Gees – Qeybtii 14aad
Ninku waa waxuu nagu qatalay wax xun alaaw keenye
Haddii aad waxgarad leedihiin bal wax is-weydiiya
Haddii kalena waabaha Ku suga waa dambaad garan eh
Tuducan gabayga ah waxa tiriyey nin ka digaya Ina Cabdulle Xasan iyo khayaannadiisa uu ku fidinayey Darwiishnimada. Aniga oo ah Agaasimaha Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Wasaraaddii Caafimaadka Soomaaliya, ayaa Wasiirkii ka qaybgalay shirweyne caalami ah oo caafimaadka ah, halkaas ayuu kula kulmay ergaygii Maraykan ah oo shirka ka qaybgalay.
Ergaygii Maraykanku waxa uu ku yidhi Wasiirkii caafimaadka, “Maxaa Dawladda Maraykan ahaan aannu idinka caawinaa?” Waqtigaas iskuma fiicnaa xukuumadda Soomaaliyeed iyo Dawladda Maraykanku.
Wasiirkii ayaa ku dhici waayey inuu wax weydiisto, kadibna waxa uu ugu jawaabay; “La soo xidhiidh Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Caafimaadka.” Sidii ayaa la iila soo xidhiidhay, dabadeedna Wasiirkii ayaan kula taliyey oo aan ku idhi; “Inoo weydii dhakhtaro wax inagala qabta Dabar-goynta Furuq oo la inoo soo mariyo hay’adda Caafimaadka Adduunka – World Health Organization (WHO).”
Sidaasi ayuu ku bilaabmay xidhiidhkii Maraykanku oo muddadii askartu dalka qabsatay joogsaday. Waxa jiray nin la odhan jiray Dr. Kahil oo ahaa dakhtar Maraykan ah oo reer New York ahaa, xidhiidh weyna la lahaa Qoyska reer Kennedy ee waqtigaas xukumayey Maraykanka oo ay isla qoomiyadda Irish-ka ay ka soo wada jeedeen iyo Xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Maraykan.
Waxa dhacday in Xisbiga Dimuqraadiga oo sannadkaas (1976) ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee ka dhacday Maraykanka oo uu ku soo baxay Jimmy Carter, xisbigaas oo dhakhtarka iyo saaxiibadii ka mid ahaayeen. Dhakhtar Kahil ilaa hortaantii lixdamaadkii waxa uu xidhiidh dhow la lahaa madaxda Soomaaliyeed, sida; General Maxamed Abshir Taliyihii Booliska iyo Safiir Cabdiraxiim Caabbi Faarax iyo Safiir Qaybe. Aniga qudhayda waa is-niqiinay oo waxan kala shaqeeyey dhakhtarka cilmi-baadhis ku saabsan noocyada dhiigga dadka Soomaaliyeed oo aannu qoraal ku soo wada saarnay.
Dr. Kahil waxa uu isla sannadkii 1976-kii la kulmay Maxamed Siyaad Barre. Ciddi war kama hayso waxay is-yidhaahdeen, hasa yeeshee waxa sannadkaas bilaabmay ololihii Jabhadda Xoreynta Somali Galbeed.
Dhinaca Caafimaadka ayey ka bilaabantay isu soo dhowaantii xukuumaddii Soomaaliyeed iyo dawladdii Maraykanku! Sannadkii 1974, markii Askartu ama (Dergu) waa sidii ay isku magacaabeen eh ay afgembi kaga tuureen xukunkii Haybadle Boqor Xayle Salaase Boqortooyadii Guunka ahayd ee qarniyada xukumaysay Itoobiya ee ay u jan-jeedhsadeen dhinacii Ruushka iyo waddamadii Shuuciga ahaa ee ka soo horjeeday Maraykanka iyo reer Galbeedka.
Iyada oo horena Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo Yemen-ta Koonfureed (Cadan) ay ku xidhnaayeen, waxa halkaas ka muuqatay in qoladii Shuuuciyiinta ahayd ay isku ballaadhiyeen mandaqadii Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed. Arrintaas ayaa fir-ka-nax ku riday Reer Galbeedkii. Kadibna waxa dib loo baadhay halkii Soomaalidu ka nuglayd iyo damaceedii Soomaali-weyn. Waxa la soo gaadhsiiyey Maxamed Siyaad Barre haddii uu qabsado dhulkii Soomaalidu degto ee Ethiopia ka tirsan in aanay waxba ka qabin Dawladda Maraykan.
Ruushkii (Dawladdii Ruushka) ayaa isna dhinaciisa ka bilaabay hawlgal uu ku heshiisiinayo Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed si aanay isugu dhicin labada dal ee uu xidhiidhka dhaw la leeyahay. Waxa uu soo adeegsaday hoggaamiyihii Jasiiradda Kuuba ee caanka ahaa Kaastaro, ayaa isna Muqdisho yimi waqtigaas oo shir lagu qabtay magaala-madaxdii Yemen-ta Koonfureed ee Cadan oo ay ka soo qaybgaleen; Itoobiya, Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo Yemen-ta Konfureed iyo Kuuba.
Waxa wada-hadal heshiisiinta ah ka dhex bilaabay labadii hoggaamiye; Maxamed Siyaad Barre iyo Mengiste Xayle Maryam, Heshiisiintii way ku adkaatay Kaastaro iyo dawladda Yemen-ta Konfureed. Waxa muuqatay in Maxamed Siyaad Barre uu dagaal waddo isaga oo ka faa’iidaysanaya kala daadashada Itoobiya ka taagan. Shirkaasi Cadmeed guul-darro ayuu ku xidhmay.
Haddaba, Ololihii dagaalka ayaa xukuumaddii Siyaad Barre ay halkii ka sii amba qaaday isaga oo qaba carrab laad-laadintii dawladda Maraykanka ee uu taageerada ka filayay. Waxa fariin uga keenay dawladdii Maraykanka safiirkii xukuumadda Soomaaliyeed u fadhiyey Washington – Safiir Axmed Cadaw oo inantiisu ay u dhaxday wiil uu Maxamed Siyaad Barre dhalay.
Lama garanayo xogta dhabta ah ee fariintu xambaarsanayd, haseyeeshee wax yar ka dib ayaa dawladda Maraykanka iyo Ingiriisku ku dhawaaqeen inay hub ka iibinayaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Wax yar kadibna khubaradii Ruushka ahayd ee ciidammada Soomaaliyeed tababarayey ayaa dalka laga caydhiyey. Diblomaasi Ruush ayaa kashifay aar-goosigii dawladda Ruusha la damacsanyd Soomaaliya oo yidhi; “Afka ayaan ciidda u daraynaa Soomaaliya.”
Waxa dhacday in Ruushku uu ciidamo ka socday dalka Kuuba (Cuba) iyo Koonfurta Yemen iyo hub uu ku soo daldalay Itoobiya, labadii dawladood ee Maraykanka iyo Ingiriisku iyana way ka noqdeen ballanqaadkii hubkii ay kaga iibin lahaayeen Jamhuuriyadddii Soomaaliyeed markay ku hubsadeen in ay Ruushkii iyo Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay kala gooyeen oo kala kaxeeyeen. Taasi waxay keentay in ciidammadii Soomaaliyeed jab iyo halaag ku dhaco oo la jebiyo oo laga soo saaro Itoobiya, iyaga oo habaqle ah. Sidaas ayaa siyaasaddii iyo dagaalkiiba ay Itoobiya ugaga adkaatay Soomaaliya.
Isku dherintii Soomaaliya ee Itoobiya oo ah dawlad dunida kaga magac iyo maamus roon oo dad ahaan toban jeer ku soo labablaabata oo ah dhul weyn oo buuralay ah, oo aan si fudud loo geli karin ayaa keentay guul-darradaas iyo jabkaas soo gaadhay Soomaaliya.
Dagaalka Soomaaliya la gashay Itoobiya oo aan jiho iyo ujeeddo lahayn ee lagaga adkaaday ayaa sahayday Qarnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, sida xeel-dheerayaal Soomaaliyeed oo badani aaminsan yihiin. Sannadkii 1990 ayaa sheekadii Maxamed Siyaad Barre lagu khiyaameeyey ee dagaalka uu ku jabayo lagu geliyay mid la mid ah lagu sameeyey Keli-taliye kale oo Muslin ah.
Safiirkii Dawladda Maraykanka u fadhiyey Ciraaq oo markaas ahayd haweeynay la yidhaahdo April Catherine Glaspie ayaa kulan ay la yeelatay hoggaamiyihii Ciraaq Saddaam Xuseen ugu sheegtay farriin ay ka wadday xukuumadeeda oo odhanaysay, “Dawladda Maraykanku dan kama laha muranka ka dhexeeya dalalka Carabta, mana soo faragelinayso.”
Wax yar kadibna afhayeen u hadlay dawladda Maraykanka ayaa yidhi; “Dawladda Maraykanku uma hiilin doonto Kuwait haddii Ciraaq ku duusho.” Arrimahaas ayaa ku dhiirriyey Saddaam Xuseen inuu ku duulo dawladdii Kuwait ee nabadda ahayd ee caalamka Carabta iyo Muslinkaba wax tari jirtay ee taageeri jirtay.
Maxaase ka raacay markuu ku dhacay dabinkii loo qoolay waa tii hadh cad ciidammadiisii la tirtiray ee is-bahaysigii Maraykanku hoggaaminayey ay cagta mariyeen ee weliba cunaqbataynta loogu daray. Dagaaladaas labada Keligii–taliye lagu khayaameeyey waata dhalisay burburka ka taagan labadii dal ilaa maanta Ciraaq iyo Soomaaliya. Hore ayaa loo yidhi; “Nin aan ku furi doonin yuu ku xidhin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here