Xukuumadda Somaliland oo Qabatay Kulan La Isku Waafajinayo Xuska 18-ka May iyo Qaadhaan Ururinta Gurmadka Abaaraha

0
156

HARGEYSA-Kulan saacado badan qaatay oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland, ujeeddadiisuna ahayd sidii laysula meel dhigi lahaa xuska 18-may 2017 iyo qaadhaan ururin loo sameeyo bulshada reer Somaliland ee abaaruhu sameeyeen oo ay wada yeesheen xubno ka mida golaha Wasiirrada, guddida taakulaynta abaaraha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo u dhignaa sidan:-“Kulankaa saddex geesoodka ah oo lagu lafo guray sidii laysaga kaashan lahaa shacbi iyo xukuumadba laysuna waafajin lahaa sannad guurada 26aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ku beegan 18-May-1991-kii, oo wakhtigan oo kalena laga xuso guud ahaan Somaliland iyo meel kasta oo ay joogaan muwaadiniinta reer Somaliland, balse sannadkan uu madaxweynaha qaranka Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo isagoo ka dareen celinaya xaalada dalku ku sugan yahay ee abaarta baahsan awgeed uu amray in loo beddelo mid qadhaan ururin ah oo dalka gudihiisa iyo dibediisaba xil weyn la iska saaro sidii loo samato bixin lahaa dadka abaartu saamaysay ee haraadka iyo gaajadu haleeleen, xoolihiina ay ka dhammaadeen.

Waxaa kulankan oo ahaa mid hor dhac ah lagu soo qaaday sidii xukuumadda, ganacsatada, ururada bulshada, warbaahinta, shirkadaha, qurba-joogta, iyo shacbiga weynuhu ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen taakulaynta iyo gargaarka shacbiga la tiicaya xaalada abaareed iyo Xanuunada, mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaa gobolada dalka qaar ka mid ah.”

Gudgude/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here