Somaliland: Maareeyihii  Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Maareeye Cusub oo la Magacaabay

0
117

HARGEYSA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xilkii ka qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Xasan Cali Cismaan. Waxaanu u magacaabay Maareeye cusub.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xasan Cali Cismaan.”

Madaxweynuhu waxa uu maareeyihii hore ee Wakaaladda Waddooyinka, uga mahadceliyay muddadii ay wada shaqeynayeen;Mudane,Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland,”ayaa lagu yidhi Digreetada xilka qaadista Maareeyihii hore Wakaaladda RDA ((Road Development Authority).

Geesta kalena, Madaxweynaha Somaliland, waxa uu  Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, sida lagu caddeeyay digreetada madaxweynaha oo u dhignayd sidan:-

 “Madaxweynuhu:Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.”

 

Gudgude/Hargeysa

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here