Dawladda Somaliland oo si Rasmi ah DP World ugu Wareejisay Maamulka Dekedda Berbera

0
87

Dullucda Khudbad uu Madaxweyne Siilaanyo ka Jeediyay Xaflad  Lagu Qabtay Dekedda

 

BERBERA- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa maanta shirkadda laga leeyahay dalka isu-tagga Imaaraadka carabta ee DP World, si rasmi ah ugu wareejiyay maamulka dekedda Berbera oo ay heshiis qaadan doona 25 sannadood uu la galay, si ay u ballaadhiso, una casriyayso marsadan.

Xafladii loo sameeyay wareejinta dekedda, waxa madaxweyne Siilaanyo kala qaybgalay Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem, Wasiiru-dawlaha gaadiidka ee Itoobiya, Mr. Abdissa Tedisa, wasiirro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

“Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay, in aynu maanta isugu nimaadno xafladdan taariikhiga ah ee ku suntan iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Waxa dhammaanteen farxad iyo yididiillo inmoo ah, in maanta aynu si rasmi ah Dekedda Berbera ay ka mid noqotay dhowr-iyo todobaatanka Dekedood ee ay maamusho ama maalgelinayso Shirkadda Caalamiga ah ee DP World, taas oo qarankan u horseedi doonta in ay u soo jiiddo, saaxiibo iyo xidhiidho ganacsi oo dhiiri gelin kara maalgashi badan oo hor leh,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu xusay in casriyaynta dekedda Berbera ay ahayd qorshayaasha ugu waaweyn ee xukuumadiisu lahayd, waxaanu yidhi; “Casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka Wax-qabadka Xukuumaddayda. Waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeenna hooyo, uu yahay, in aynu la nimaadno Siyaasad Ganacsi oo furfuran, taas oo inoo sahli karta in aynu hello maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano-wadaag (Mutual Interest).”

Mr. Siilaanyo waxa uu intaas ku daray in mandaqada Geeska Afrika  uu ka socdo tartan dhinaca ganacsiga ah

“Sidaa darteed, Somaliland oo ku taal boqcad istraatiiji ah, oo muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamka, haddaba waxa inala gudboon, in aynu la jaan-qaaddo horumarkaa ka socda dalalka aynu deriska nahay,”ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku kabay; “Aniga oo hoggamiye ahaan ka duulaya aragtidaas, waxay Xukuumadda aan gadhwadeenka ka ahay, dedaal dheer u gashay sidii maal-gelin ku habboon loogu heli lahaa Marsada caalamiga ah ee Berbera. Eebbe mahadii  riyadaasi way rumowday.”

Mr. Siilaanyo waxa uu ku dooday in maalgashiga dekeddu uu wax ka beddeli doono  nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland. Waxa kaloo uu sheegay in Somaliland qadarin  u hayso dalalka ay jaarka yihiin, waxaannu yidhi; “Dawladda Somaliland waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u haysaa, dalalka ay deriska yihiin, oo aynu dano badan wadaagno. Dalalkaas waxaynu nahay saaxiibo iyo jaal aad isugu dhow. Waxaannu aaminsanahay, in shucuubta ku dhaqan dalalka Geeska Afrika, ay yihiin dad walaalo ah, oo dano badan wadaaga. Waxaannu aaminsanahay, in horumarka iyo wanaaga midkood u soo kordhaa, uu ka kale u yahay sed iyo sareero.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu amaanay bulshada gobolka Saaxil oo uu sheegay inay si diiran u soo dhaweeyeen mashruucan horumarineed, waxaanu yidhi; “Waxaan iyana halkan uga mahadnaqayaa, dhammaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen Mashruuca casriyeynta Dekedda Berbera. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa waayeelka, waxgaradka iyo haldoorka Gobolka Saaxil, sida hagar la’aanta ah ee ay isu barbar taageen Mashaariicda dalka iyo dadkaba waxtarka u leh ee ka socda magaalada Berbera.”

Gudgude/Hargeysa

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here