London: Shir Lagu Falanqeeyay Gacan Qabashada Dawladda Soomaaliya oo la Soo Gabogabeeyay

0
70

LONDON-Magaalada London ayaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ay marti gelineyso dowladda Britain.

Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda.Siday faafisay BBC-du, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay abuurista  barnaamij ay Soomaalidu hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada dalkeeda.

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku wajahan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomaaliya  leedahay. Waxay sheegtay in ciidammada AMISOM aanay  maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.

”Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaadheen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa,” ayay tidhi, ra’iisal wasaaraha Britain.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 400 oo askari oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 222,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.

Shirka ayaa lagu taageeray qorshaha mustaqbalka lagu doonayo in ammaanka Soomaaliya ay si buuxda uala wareegeen ciidan qaran oo ay Soomaali leedahay. Qorashaha ay AMISOM hawlaha ammaanka ugu warejineyso ciidammada Soomaaliya aya ala sheegay inuu billaabmi doono dhammaadka sannadka 2018ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed CabdIlaahi Farmaajo, ayaa ku baaqay in si buuxda cunaqabataynta hubka looga qaado dalkiisa.

“Cunaqabteynta hubka ee sannadaha  badan saaran Soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jirtay  in si qayb ahaan cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii,”, ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdiisu ay la shaqeyn doonto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii cunaqabatayntaasi gebi ahaanba meesha looga saari lahaa.

Gudgude/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here