Cuqaal iyo Waxgarad ka soo Jeeda Gobolka Hawd  Iyo Maroodi-jeex oo Taageeray Xukuumadda,  Xisbal-xaakimka

0
96

Waxay  Xukuumadda uga Mahadceliyeen Magacaabista Xoghayaha Fulinta D/Hoose Hargeysa

HARGEYSA- Cuqaal, Waxgarad iyo aqoonyahanno  ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha Gobolka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax ee caasimada Hargeysa, ayaa sheegay inay taageero weyn u hayaan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xisbal-xaakimka KULMIYE.

Waxgaradkan oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyeen horumarka xukuumadiisu waddanka gaadhsiisay iyo saamiga uu beeshaasi ka siiyay xukuumadiisa, waxay soo dhaweeyeen Xoghayaha cusub ee fulinta Dawladda Hoose ee loo magacaabay aqoonyahan Cali Xasan Cawaalle.

Caaqil Axmed Ciise Cumar oo ka mid ah madaxdhaqameedka Gobolka Maroodi-jeex oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay madaxweyne Siilaanyo ku bogaadinayaan horumarka xukuumadiisu samaysay oo ay u dambaysay  ballaadhinta iyo maalgashiga dekedda Berbera.

Caaqilku waxa uu madaxweynaha uga mahadceliyay  masuuliyiinta uu beeshiisa u magacaabay oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Liibaan Yuusuf Cismaan iyo Xoghayaha fulinta D/Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaalle. Waxa uu Caaqil Axmed Ciise intaas ku daray  inay ayidsan yihiin xukuumadda iyo xisbal-xaakimka KULMIYE labadaba.

Caaqil Cabdi Aadan Cabdilaahi (Cabdi-dheere), oo shirkaas jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; “Haddii aanu nahay beesha degan Gobolka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax ee (Subeerceli), waxaanu caddaynaynaa inaanu si buuxda u taageersan nahay xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xisbal-xaakimka KULMIYE iyo Hoggaankiisa.”

Caaqil Maxamed Xuseen Ibraahim  (Xaraas)  ayaa sheegay  inay madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha uga mahadcelinayaan inay Cali Xasan Cawaalle u magacaabaan Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Aqoonyahan Maxamed Aadan Cabdilaahi (Summuni)  ayaa xusay inay beeshiisu si buuxda u taageersan tahay xukuumadda iyo xisbal-xaakimka KULMIYE, waxaanu yidhi; “Waxaannu dhammaantayo isku raacsan nahay haddii aanu nahay waxgaradkii beeshan inaanu taageero middaysan la garab taagan nahay xukuumadda Somaliland iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE.”

“Waxaannu  Wasiirka Arrimaha gudaha ku ammaanaynaa inuu Cali Xasan Cawaale u magacaabay Xoghayaha fulinta D/Hoose ee caasimada Hargeysa,”ayuu yidhi Maxamed Aadan (Summuni).

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Rashiid Mursal oo si qotodheer u iftiimiyay taariikhda beeshooda iyo Murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE wadagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here