Danjire Baashe Cawil oo Iska Baraxay Eedaha  ku Wajahan Inuu Saami ku Leeyahay Heshiisyada Somaliland la Gashay Imaaraadka

0
48

 

  • “Dad baa jira horumarka waddanka doonaya inay is hortaagaan oo ka xun argagixisada”
  • “Ma jirto dan gaar ah oo iigu jirta heshiisyadan aynu la galnay Imaaraadka ee dekedda iyo Madaarkaba”
  • “Qaraarkii aynu Sucuudiga ku raacnay  waa kii khayrka lahaa, waanay ka mahadceliyeen taageeradeenna”

Hargeysa(Gudgude)- Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sheegay inaanay jirin dan gaar ah oo ugu jirta heshiisyada casriyaynta marsadda Berbera iyo saldhiga Millatari ee xukuumaddu la gashay dawladda imaaraadka carabta.

 

Safiirku waxa kaloo uu sheegay in dawladaha khaliijka ee Sucuudigu hoggaamiyaa ay Somaliland uga mahadnaqeen mowqifkii ay ku taageertay go’aankii ay ku cunoqabateeyeen dawladda Qatar.Mr. Baashe waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay Guddoomiyaha Dawan Media Group, Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Dawan, Cumar Maxamed Faarax, waxaannu waraysigaasi kaga hadlay mashaariicda horumarinta ee Somaliland la saxeexatay Imaaraadka, siyaasadda dalka iyo eedaha loo jeediyo ee ku wajahan kaalinta uu ku leeyahay mashaariicdaas. Qaybtii koowaad ee waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

Su’aal: Ujeeddada socdaalka aad Somaliland ku joogtaa muxuu la xidhiidhaa?

Jawaab: Waxa uu la xidhiidhay imaantinkaygu sidii aan kaadhka cod-bixinta u qaadan lahaa, iyo sidoo kale inaan soo indha-indheeyo mashaariicda dawladda Imaaraadku ka waddo waddanka, gaar ahaan magaalada Berbera, sida saldhiga Millatariga ee Berbera  dhismihiisii, kuwii dekedda iyo dhismayaasha kale ee cusub iyo inaan soo darso mashaariicdaas iyo sida ay u socdaan ayaan u imi Hargeysa.

Su’aal: Muddadii aad kormeerkaagan ku gudo jirtay waxaad booqatay dhulkii laga sameynayay saldhiga ciidamada, halkee ayay maraysaa hawshaasi hadda?

Jawaab: Hawshaasi sidii loogu talogalay ayay u socotaa, xukuumadda Somaliland-na waxa ay wadahadal la bilowday sannadkii hore dawladda Imaaraadka Carabta, wadahadalkaasi muddo ka horeysayna wuu socday laakiin kani waxa uu ahaa markii ugu horreysay ee si fool-ka-foola looga wadahadlo arrintan saldhiga millatari, qaabkay noqon doonto, waxa Somaliland ay danayneyso iyo waxay dawladda Imaaraadku danayneyso, mashaariicdan oo kale markay socdaan dhinac kastaaba maslaxad ayuu leeyahay, waxaanay dawladeennu u sheegtay in waddankeennu (Somaliland) yahay waddan dimuquraadi ah hawlaha noocan oo kale ahna la mariyo nidaam dawladnimada. waana tii baarlamaanka la hordhigay saldhigan, si aan mad-madaw ku jirin ayay xukuumaddu  u soo bandhigtay waxa Somaliland ugu jira, bishan aakhirkeedana waxaannu rajeynaynaa in Hay’addii  dawladda Imaaraadku u xil saartay hirgalinta mashaariicdan oo ah dhismaha waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale iyo Madaarka cusub ay yimaadaan dalka, shaqadiinna ay bilaabanto sida ugu dhakhsaha badan.

 Su’aal: Dadka ku dhaliilaa waxay sheegaan in dano gaar ah iyo maslaxado kuu gooni ahi inay kuugu jiraan heshiisyadan iyo shirkadahan faraha badan ee xukuumaddu heshiisyada la gashay muddadii aad safiirka ahayd, kuwaasi oo la leeyahay isaga ayaa soo dhammeeyey oo dilaal iyo dano shaqsiya  ayaa ugu jira maxaa ka jira arrimahaasi?

Jawaab: Aniga oo aan masuul ahayn oo shacab ah ayaa la i dhaliilayay oo la  lahaa lacago dawladeed ayuu qaatay oo wuxuu guryo ka iibsaday Nairobi, Dubai iyo waddamo kale hantiduna wax la isku caayo maaha ee Illaahey baa bixiya Ilaaheyna qofkuu wax siinayo iyo kaanu waxba siineyn mid walba Illaahey baa u qadaray risiqiisa, aniguna haddaan hanti samaysanayo hanti hore ayaan u lahaa, xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo aan jirin, isaga oo aan madaxweyne ahayn oo mucaarida, ayaan Mareykanka ka shaqeysanayay oo mushahar boqolkun oo dollar in ka badan qaadanayey oo aan magaalada ugu qaalisan aan ku lahaa guri siddeed boqol oo kun oo dollar ah, waligeyna kumaan faanin oo maan odhan guri malaayiin dollara ayaan leeyahay.

Dubia  guri kiro ah ayaan kaga jiraa, Nairobi-na mid kiro ah ayaan kaga jiray, Dubia lagama ogola xaafadaan ka deganahay  in dadka ajaanibta ahi ay guryo ka iibsadaan, aniga oo Hargeysa jooga ayaa la lahaa laba milyan oo  dollar ayuu kala degay Nairobi oo jaraa’id dalka gudihiisa ka soo baxaa qorayay, Hargeysa ayaanan ku sugnaa maalintaas sidaad la soo daabacay ka qadeynayay,  dadkii shalay waxaas lahaa ayaa maantana leh mashruuc ayuu keenay oo wax baa ugu jira, in anigii danbi la iiga dhigo dalkii buu maalgashi keenay haddaanan dalka maalgashi keenin safiir baan aheye maxay shaqadeydu tahay?, in madaarka la inoo dhiso oo cid inoo maalgalisa la helo, in waddadii Berbera iyo Wajaale la dhiso, si aad Itoobiya dhaqaalaheedii u hesho xumaanta ku jirtaa maxay tahay? In dekad cusub laguu dhiso xumaanta ku jirta maxay tahay?. Waxaan idiin sheegayaa ma jirto dan gaar ah oo iigu jirta  heshiisyadan aynu la galnay Imaaraadka ee casriyaynta dekedda iyo saldhiga millatariba.

Su’aal: Marka la eego heshiiskan xukuumaddu la gashay dawladda Imaaraadka, gaar ahaan dekedda Berbera iyo DP World ilaa hada wax dhisme ah oo ay meesha ka qabatay ma jirto oo waxay la  wareegeen  uun maamulkii dekedeenna, dhaqaalihiina waa ay urursataa, arrinta maxaa ka jira?

 Jawaab: Dekedda marka la dhisayo qorshe ayaa lagu dhisaa, dekad ballaadhan oo dekeddii qaranka ah, kharashka galayaana yahay laba boqol iyo toban milyan oo doolar,  waxay qaadanaysaa wakhti, bishii March ee sannadkan ayay la wareegeen, waxaana lagu heshiiyay in sannad gudihii  uu dhismuhu ku bilaabmo, Injineerro ayaa loo soo diray, waxana la qorsheeyay dhismaha dekedda cusubi halka uu ka bilaabmayo, magaalada Berberi dhinaca ay u fidayso, qorshahaasi oo dhan ayaa la soo diyaariyay, waxaan ahayn horumarka ay dekeddu samaysay ee aanu aragno waxaan ahayni ma jiraan, hadday noqoto qaabka ay shaqaaluhu u shaqeynayaan, adeegyada ay dekeddu bixiso, shaqaalaha dekadda oo mushaharaadkoodii kordhay, markaa ninka waxaa shubaya ha caddeeyo halka ay xumaantu taalo.

Su’aal: Dhawaan waxa aynu taageernay huwanta Sucuudiga ee cunoqabateeyay Qatar, Sucuudiga marka laga reebo inay muddada kooban  ee moosinka xajka ay inoo fureen xoolihii,  maxaynu ka faa’iidnay garabka aynu la safanay diblomaasiyan?

Jawaab: Innagu ka dawlad ahaan go’aan cad ayaynu qaadanay siyaasadda uu  innagu hoggaaminayo madaxweynaha qaranku, Qatar dawlad aynu shar iyo kheyr toona ka aragnay maaha, xidhiidh horena inalamey lahayn, hadday xidhiidh noqotana dawladda Soomaaliya ayay la lahayd, cidday wax innaga dhaxeeyeenna waa Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, xidhiidh baa jira innaga dhaxeeyay Sucuudiga oo aan ahayn uun ka ganacsiga oo kaliya, Imaaraadkuna waabu ka sii xag jiraa oo boqolkiiba sagaashan halka ganacsatadeennu wax ka keensadaan waa Imaaraadka, madaxweynaheenuna shan jeer in ka badan ayuu kulamo la qaatay madaxda dalka Imaaraadka, baratakoolka ay madaxda caalamka siiyaan ayay dawladeenna iyo madaxweynaheenna siiyaan, maantana waxa bilaabmay dano aynu dooni wada saaranahay oo xaga ganacsiga iyo xaga nabadgelyada ah, innaga ganacsigeennii ayaa ku xidhan meesha aynu joogno iyagana danahooda ayaa ku xidhan inay dekedda iyo bada cas ilaashadaan, laakiin qaraarkan ay Somaliland qaadatay waa kii khayrka lahaa, waanay ka mahad celiyeen taageerada ballaadhan ee ay Somaliland siisay.

Su’aal: Imaaraadka xidhiidho badan ayaynu yeelanay, goormay kula tahay inay xafiis ka furan doonaan Somaliland?

Jawaab: Xafiis la’aanta Imaaraadku caqabad kuma aha xidhiidhkeenii iyo wada shaqeynteenii, hadday noqoto wufuud iyo mashaariicda ay waddanka ka fuliyeen, dawlad kaga horeysaa ma jirto hawsha, furitaanka qunsuliyadooduna  waa mid u taalla dawlada Imaaraadka, markii ay siyaasiyan go’aan ay qaataan inay xafiis ka furtaan Somaliland ayay furan doonaan.

Su’aal: Mashaariicdan dekedda iyo saldhiga, dad badan ayaa ka qayliya oo waxa la sheegaa in dhul dad danyar ahi deganaa in lagu fidiyay dhismihii madaarka iyada oo aan waxba la siin arrintaasi maxay ku dhacday?

Jawaab: Dad baa jira horumarka iyo mashaariicda waddanka doonaya inay is hortaagan oo dano siyaasadeed wata, waxaana jira dad badan oo afka ku macaasha, kana xun argagixisada, waayo argagixisadu waa nin aad garaneyso oo aad ogtahay inuu ku dilayo, laakiin ninka ku leh ha noolaanin amase horumar ha samaynin in ashkhaastaas la iska  qabtaa, ciddii uu doono ha noqdee, dadkuna maanta qabyaalad iyo gobolaysi way ka gudbeen kana baxeen, bulshada Somaliland-na maanta waxay  doonayaan ciddii wax u qabanaysa ee horumar soo kordhinaysa, dekedda Berberi  waxay noqonaysaa mid caalamiya oo dalka oo dhan horumarkiisa gaadha, cida ugu horreysa ee ka faa’iideysaana waa reer Saaxiil balloodhkii shanta kun ahaa ayaa konton kun la kala siisanayaa, waxaasina horumarka iyo mashaariicaha ayaa keenay. Dadkii dhulkaas lahaana waxa la siin doonaa uun dhul kale.

Su’aal: Qorshaha ma kuugu jirtaa inaad waddanka madaxweyne ka noqoto Mustaqbalka?

Jawaab: Xilka safiirnimo ayaan ku bilaabay intii ka horreysayna waxaan ahaa qof shacaba, siyaasaduna waa ay isbeddel badan tahay, lagamana saadaalin karo labaatan sanno kadib waxa dhici doona, waxaanan diyaar u ahay inaan wixii waddanka horumarkiisa ah aan ka shaqeeyo, laakiin imika waxaan diyaar u ahay ma jiro, qolyaha naga soo horjeedana waxaannu leenahay waar la yimaada qorshe cad oo la idinku doorto, annaguna xisbal-xaakimka haddii aanu nahay  waxaannu wadnaa barmaamijyo siyaasadeed oo dhan walba leh, sida inaanu bilowno tareeno isku xidha Berbera ilaa Diridhaba, waxaana qorsha ku tala-galkayaga ee mustaqbalku yahay in Somaliland ay noqoto goob loo soo shaqo tago annagu Muuse Biixi ayaa noo murrashaxa  oo aanu soo saaraynaa.

La Soco Qaybta Labaad

XIGASHO: WARGEYSKA Dawan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here