Masuuliyiin uu  hoggaaminayo guddoomiyaha KULMIYE  oo ku biiraya weftigii madaxweynaha

0
26

 

 

Abu-Dhabi  (Gudgude)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  oo booqasho ku jooga waddanka Imaaraadka carabta, ayaa shalay la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha  Hay’adda Abu Dhabi Fund oo  horumarinta u qaabilsan imaarada   Abu Dhabi Mr. Saciid Al-dahri iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adaas oo ay ka wadahadleen mashaariic kala duwan oo hay’addu ka fulin doonto Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo masuuliyiinta Hay’adda Abu Dhabi Fund, waxay wadajir u falanqeeyeen  dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Wajaalle ee xidhiidhiya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay  isku afgarteen in  farsamo-yaqaanno sarsare oo ka socda hay’adaasi ay tagaan  Somaliland bisha September ee fooda innagu soo haysa, si ay iskugu soo dubo-ridaan daraasad  lagu qiimaynayo kharashaadka ku baxaya jidkaas.  Waxaannu la qorsheeyay qiimaynta kadib  la bilaabo dhismaha waddadan istaraatajiga ah.

Waxa kaloo madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta Abu Dhabi Fund, si qoto-dheer u wada gorfeeyeen in hay’addu  ay  Somaliland ka fuliso mashaariic iskugu jira dhinacyada  kalluumaysiga iyo ka manaafacaadsiga  xoolaha oo ay bulshadu ka heli doonto shaqo abuur iyo dhaqaaleba. Geesta kalena Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa  xalay kulmay Agaasimaha  Guud ee  Hay’adda  samafalka caalamiga ah  Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation, Mohammed Hajji Al Khouri iyo   masuuliyiin kale oo ay  iska xogwaraysteen dhammaystirka mashaariic ku wajahan  adeegyada ijtimaaciga ah oo Ha’yaddu ka hirgelinayso Somaliland.

Agaasimaha guud ee Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation, Mohammed Hajji Al Khouri, ayaa sheegay inay Somaliland ka samaynayaan dhaam wayn oo ay hadda heleen kharashkii lagu dhisi lahaa. Waxa kaloo uu intaas ku daray in tiro ceelal biyood ah ay ka qodayaan dhawaan gobollada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Khalifa Foundation, taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dawladda Somaliland gaar ahaan xilliyadii abaartu ka jirtay iyo mashaariic horumarineed oo ay ka wado  dalka.

Labada kulanba,   waxaa madaxweynaha ku wehelinayey danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta, Baashe Cawil Xaaji Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha, Cali Axmed Cali iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

Sida uu ku soo waramay Guddoomiyaha Dawan Media Group, Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ku sugan magaalada Abu Dhabi,  ayaa sheegay in  dhakhaatiirta cusbitaalka Burjeel ee magaalada Abu Dhabi  ay ku guulaysteen qalliin fudud oo maalintii Sabtidii madaxweynaha Somaliland  lagaga jaray qabsin, kaasi oo loo adeegsaday  Laysar.

Guddoomiye Sayid,  waxa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu  muddo 12 saacadood ah kaga  soo baxay cusbitaalka oo xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsan tahay isla markaana uu ku booqday hudheelka uu degan yahay ee magaalada Abu Dhabi.

Wargeyska Dawan  ayaa xalay loo xaqiijiyay  in madaxweynuhu  muddo dhawr maalmood ah oo kale  sii joogi doono  waddanka Imaaraadka, waxa lagu wadaa inuu  weftiga madaxweynaha ay ku soo biiraan wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, oo ay si wadajir ah ula kulmi doonaan  madaxda sarsare ee dawladda imaaraadka carabta.

Xigasho: WARGEYSKA DAWAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here