Turkiga oo Ciidan Geeyey  Soomaaliya &  Halista  Saldhiga  Millatari ee  Muqdisho

0
32

Muqdisho(Gudgude)- Dawladda Turkiga ayaa dalka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya geysay ciidan lagu qiyaasay illaa 200 oo askari iyo saraakiil ah oo ay doonayaan in lagu furo saldhig millatari oo ay ka furanayaan dhawaan magaalada Muqdisho.

Diyaarada Turkish Airways,  ayaa ciidammadan u soo daabushay magaalada Muqdisho, sida ay baahiyeen warbaahinta Turkigu. Warbaahinta Turkiga ayaa shaaciyay ciidankani  qeyb ka yahay  ciidammada uu Turkigu Bisha September ee fooda innagu soo haysa,  uu ka furanayo Soomaaliya, kuwaasi oo hawlgalkooda bilaabay shalay. Saldhiggan oo ku yaala duleedka Muqdisho, ayaa la weriyay in  markiiba lagu tababari karo  illaa 1,500 askari.

Geesta kalena saldhigan Turkiga  waxa uu tababarayaa maleeshiyaadka dawladda Muqdisho oo qalabeyn doono,taasina waxay saamayn taban ku yeelanaysaa oo indhaha ku haya dalalka mandaqada oo ay Somaliland ku jirto.

Gudgudenews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here