Warbixin Caddaysey in Soomaaliya ka Kabanayso Riiqdii Abaarihii Xumaa

0
29

Soomaaliya(Gudgude)- Dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay abaartii ugu dambeysay ee Soomaaliya ka dhacday,  ayaa soo kabanaya, kaddib markii  qaadhaan-bixiyeyaashu  ay maalgelintoodii  u beddeleen  dhanka mashaarciida degdegga ah oo ka caawiya dadka deegaanka inay keydsadaan lacag iyo cunto, sida ay sheegtay hay`ad gargaar.

Abaar daran oo ku dhufatay Soomaaliya ayaa la filayaa inay sii jirto ilaa laga gaadhayo  xilli-roobaadka bisha October. Dadka ka shaqeeya arrimaha bini`aadannimada ayaa isku dayaya inay ka fogaadaan inay soo laabato macluushii sannadkii 2011, markaas oo in ka badan 250,000 oo qof ay macluul u dhinteen.

Deeq ka timmi qaadhaan-bixiyeyaasha ugu waaweyn, oo ay ku jiraan Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub ayaa si habboon gudaha Soomaaliya loogu maal-geliyay bakhaarro cunto iyo barnaamijyada keydsiga iyo deymaha, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay`adda Refugees International.

In si hagaagsan loo isticmaalo deeqdaasi ayaa u suurto geliyay hay`adaha ka howl-gala Soomaaliya inay u wareegaan mashaariicda diyaar-garowga degdegga ah, kadib markii ay caddaatay bishii June ee sannadkii 2016 in abaartu ay sii daba dheeraan doonto.

Hay`adda ayaa sheegtay in waddamada qaadhaanka ku yaboohaa ay u fududeyd inay lacago u diraan hay`adaha jooga Soomaaliya, sababtuna ay tahay inay haysteen  qandaraasyo.

In ka badan lix milyan oo Soomaali ah – ku dhowaad kala badh bulshada dalka ku nool – ayaa u baahan gargaar degdeg ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Refugees International ayaa xustay in calaamad kale oo horumar ay muuqato tan iyo macluushii 2011-kii, taas oo ah qorshaha horumarinta qaranka ee dowladda iyo codsiga gargaarka bini`aadannimo ee Qaramada Miboobay ee ku wajahan mashaarciida dib u dhiska muddada fog.Marka laga soo tago qorsheynta muddada fog, Soomaaliya waxay u baahan tahay dowlad xooggan iyo nabad si loo soo afjaro xasaradaha gaajada, sida uu sheegay Mark Yarnell, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Refugees International.Koofurta Soomaaliya ayaa heleysa roob ka yar intii ay heli jirtay, taas oo saameyn ku yeelatay beeralleyda saboolka ah, sida warbixinta lagu sheegay.

Xigasho: BBC Somali

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here