Gabadh Soomaali ah oo Ninkeedii ku Dilay Ingiriiska

0
116

 

Bristol (Gudgude)-  Nin Soomaali ah oo la yidhaahdo Aadan Daahir oo degan magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, ayaa Isniintii dilay ooridiisii la odhan jiray Marxuumad Aasiya Cumar.

Ninkan ayaa la sheegay inuu mindi ku dilay xaaskiisii oo ay sagaal sannadood wada joogeen, siday idaacada VOA u sheegtay  Ayaan Cabdulaahi Macalin oo ka mid ah qaraabada gabadha dhimatay.

Ayaan Cabdilaahi waxay sheegtay in ninkan iyo gabadha dhimatay ay is qabeen muddo sagaal sannadood ah oo ay isu dhaleen laba carruur ah oo kala ah wiil iyo gabadh.

Waxa kaloo ay sheegtay in dilku dhacay waxyar kadib markii ay murmeen gabadh ay walaalo yihiin Aadan Daahir iyo gabadha dhimatay.

Gudgude

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here