Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo la Kulmay Madaxa Qaybta Siyaasadda Qarammada Midoobay

0
36

Muqdisho(Gudgude)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kulanka Ra’iisul-wasaaraha iyo weftiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yidhi Ra’iisulwasaare Khayre.

Gudgude

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here