Burco: Magaalo Boqran Qalinka:Axmed Cisman Batuun

0
136

Waa goor gaaban, safarkayga hakad aan badnayn, ayaa u qorshe ah,booqashaduna way tiro dhaaftay waxaan qalinka u qaatay inaan qabyotiro qoraal kooban oo muddo igu jiray kaasoo aan jeclaaday inaan ku ladho qormooyin hore oo aan ka sameeyey magaalooyinka Boorame,Hargaysa iyo Gabiley isla markaana aan si kooban xog warramo  magaalada  boqran ee Burco ee gobolka Togdhgeer.

Sharraxa kelmadda (boqran) ee aan u xushay astaanta qoraalkaygan si aanad ugu mashquulin ila soco.Halkani waa magaalada Burco waxa la aasaasay 1910-kii, waxaana hore loo odhan jiray Ceelgooni, juquraafi ahaan, waxay dhacdaa kala badhka Somaliland meel u dhow,cimilo ahaanna waa magaalo jawigeedu fiican yahay, dhul ahaana magaalada Burco waa meel siman oo carro saafi ah leh oo ka haqab beeshay biyaha oo ah baahida kowaad ee Somaliland qabto.

Goleheeda degaanku waa 21 xubnood, waana mid kamida magaalooyinka ugu koritaanka badan Somaliland,  iyadoo sannadihii ugu danbeeyay si xawli ah u ballaadhatay oo lagu tilmaamo inay xagga qorshaha magaaleynta ka horreyso magaalooyinka kale ee dalka oo caasimaddu ku jirto.
dhacdooyinka xiisaha leh ee magaaladan u soo jiiday taariikhda, waxay jiilka cusub ugu suntan tahay magaaladii lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland rubuc qarni ka hor. Xilligaas oo ay martigelisay ergooyinkii beelaha Somaliland iyo shirarkii saxal saarka ahaa ee bulshada la iskugu soo jiidayey.

Waxa kaloo magaalada Burco lagu tilmaansadaa inay tahay  degaan ay ka soo jeedaan dad badan oo geyiga geeska Afrika iyo Somaliland-ba caan ka ah oo ka mid ah foolaadka bulshadu ku hirato, sida halgamadii kala duwanaa iyo suugaanta, waxaynu tusaale nool u soo qaadan karnaa wakhti-xaadirkan  labada jilaa ee caanka ka ah dunida ee Sooraan  iyo Jawaan. Magaalada Burco waxay ka mid tahay meelaha ugu dadka badan dalka, magaalooyinka kale ee Somaliland dadka ku nooli waxay ka aaminsan yihiin reer Burco inay yihiin dad kaftan badan oo weji furan. Waxaa lagu majeertaa inay koobka erey bixinta qaadeen markay noqoto  naanays bixinta gaar ahaan masuuliyiinta dawladda iyo madaxda gobolka Togdheer.

Geesta kale Burco waxaa ka jira ururro bulsho oo kala duwan una badan dhallinyaro,  kuwaasoo waqti badan geliya kor -u- qaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka una hawlgala qaab mutadawacnimo iyadoo la xasuusto kaalintii ay ka qaateen la dagaalankii shubanka ee ka jiray magaalada Burco. Si guud haddaynu u eegno gobol ahaan Togdheer, safka hore kagama jirto   dhinaca wax soo-saarka beeraha, waana xoolo dhaqato.  Waxaa  dadka qaar aan  la sheekaystay  ii sheegeen in waqtigan la joogo xilligii la baran lahaa dalag beershada.  mar haddii abaaro baahsani dalka wada saameeyeen xoolihiinna yaraadeen. In gobolku u digo-rogto wax soo-saarka beeraha waa himillo maamulku qorsheyaashiisa ku darsaday.

Reer Burco waa shaahyo cab iyo hilib cun. Waxaa aad ugu yar isticmaalka kalluunka oo sannadahan dambe aad ugu soo badanaya. Haddii aynu soo koobno magaalada Burco marka la eego mustaqbalka dhow waxay u baahan tahay in loo dejiyo qorshe ballaadhan oo caawin kara koritaanka xawliga ah ee ay ku socoto kaasoo wata kaabayaasha nolosha ee aasaasiga, kuna cindan yihiin bilic,fayodhawr iyo magaalayn ku dhisan aqoon casri ah. Golaha degaanka magaaladan  waxaa la gudboon inay ka faa’iidaystaan firfircoonida bulshada reer Burco isla markaana ay sameeyaan qorshe saxmadda lagaga yaraynayo magaalada laguna ballaadhinayo oo lagu dayactirayo jidadka magaalada iyadoo xoog la saarayo dhinaca bilicda iyo nadaafadda taasoo ka dhigi karta magaaladan mid laba jibaarta soo jiidashada magaalada.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here