Soomaaliya:Khasaaraha ka Dhashay Qarax ka Dhacay Muqdisho

0
54

Muqdisho(Gudgude)- Qarax xooggan oo gaadhi loo adeegsaday ayaa galabta ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto, halkaasoo la weriyey  in la dhigay gaadhi waxyaabaha qarxa ka buuxay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidammada ammaanka ay ka shakiyeen gaadhiga ka hor inta aanu  qarxin.Ciidammada ammaanka ayaa la sheegay inay waddada xidheen, ka hor intii aanu  qaraxa dhicin, markii lagu wargeliyay in baabuur  laga shakiyay inuu goobta yaalo.Siday faafisay shabakada jowhar,  labo ruux ayaa  ku dhaawacmay  qaraxa, waxaana xaalada ay ku soo laabatay si caadi ah.

Ciidammada Ammaanka ayaa goobo dhowr ah oo gaadiidka lagu baaro ku leh Wadada Maka Al-Mukarama.

Waddada Al-mukarama oo ah jid aad u mashquul ah, ayaa halbowle u ah isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Dhowr jeer oo hore ayaa qaraxyo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhaceen, iyadoo wadadan ay noqotay halka ugu badan ee qaraxyada ka dhacayeen todobaadyadii u dmabeeyay.

Gudgude

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here