Madaxweynaha Soomaaliya oo si Lama Filaan ah  ugu Dalxiisay Xeebta Liido

0
44

Muqdisho(Gudgude)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta lagu arkay Xeebta Liido, halkaasoo kormeer lama filaan ah ku tagay, iyadoo markii u horreysay ay ahayd oo uu Madaxweynaha tago goobaha dadka isugu yimaadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaxweeyay mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala Xeebta Liido, halkaasoo uu kula sheekeystay dadkii fadhiyay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku lugeeyay xeebta, waxaa uu la sheekeystay dhallinyaro xeebta ku damaashaadayay, kuwa kubad ku ciyaarayay, waxaana dadka qaar ay su’aalo weydiiyaan.

Siday faafisay shabkadda Jowhar oo aanu warkan ka soo xiganay, Madaxweynaha ayaa la kaftamayay dhallinyaro kubad ciyaareysay, waxaa in kooban kubadda ku xarakeeyey  lugaha, isagoo ka yaabsaday dhallinyaradii kubadda ciyaareysay. Farmaajo ayaa hore  u soo noqday Garsoore kubadda cagta ah, waxaana uu dhallinyarada tusay inuu kubadda si wanaagsan u yaqaano.

Gudgude

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here