Maxkamadda Sare ee Kenya oo Burisay Natiijadii Doorashadii ku Guulaystay Uhuru Kenyatta

0
33

Kenya (Gudgude)- Maxkamadda sare ee Kenya,  ayaa go’aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay dalkaas ee guddiga doorashadu ay ku sheegeen in uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda sare waxay  sheegtay in guddiga doorashada ee Kenya aanu  si hufan u qabanin hannaankii doorashada, siday faafisay BBC-da oo warkan Gudgude ka soo xigtay. waxaanay waxba kama jiraan ku tilmaantay natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashaddu.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwada qaadaysay ayaa go’aamiyay in aanay  si hufan u dhicin doorashadii madaxweynenimadu sidaas daraadeedna waxay amartay in dib loogu noqdo.

Labo ka mid ah garsooreyaasha ayaa qaatay go’aan midkaas ka duwan, halka midkii todobaadna uu xannuunsanayey  maalmihii u dambeeyay.

Waxa kaloo ay  maxkamaddu amartay in lixdan maalmood gudahood lagu qabto doorashada.Taariikhda Kenya waa markii kowaad ee doorasho madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso.

Gudgude

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here