Somaliland: Madaxweyne Ku-xigeenka oo Salaadii Ciidda Dadweynaha Kula Tukaday Masjid Jaamaca Hargeysa

0
36

Hargeysa(Gudgude)-Madaxweyne ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Ku-simaha Madaxweynaha  Somaliland oo shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargaysa.

Madaxweyneku-xigeenka oo uu wehelinaayo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa  xisbiga KULMIYE Muuse biixi Cabdi ayaa bulsho weynta ku dhaqan caasimada somaliland ee hargaysa kula tukaday salaadii ciida masjid jaamaca weyn oo ay so camireen kumanaan bulshada ku dhaqan caasimada .

Madaxweyne ku-xigeenka oo khudad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal-adxa isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna ILAAHAY uga baryay mushtama reer Somaliland inuu u siyaadiyo nabadgalyada iyo xasiloonida isagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay nabadgalyaddu kulana dardaarmay wakhtiga doorashada inay bulshadu ilaaliso nabada iyo xasiloonida dalka waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo ballaadhan hawda u marinayaa dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan hambalyo.”

Gudgude

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here