Soomaaliya oo Taageero  Millatari ka Yaboohsatay Dowladda Maraykanka

0
40
Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Muqdisho(Gudgude)- Dowladda Soomaaliya, ayaa ka dalbatay Maraykanka sidii loo cidhib tiri lahaa Al-shabaab iyo in taageero millatari la siiyo dawladda Farmaajo ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya, waxay sidaas ku caddeysay qoraal ay u dirtay Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz, waxaana qoraalkan ku saxeexnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar, siday faafisay shabakada Jowhar.

“AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan,Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM,”ayaa lagu yidhi dalabka dowladda Soomaaliya.

Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo I. S. I. S.  si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada milliteri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

 

Gudgude

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here