Somaliland ha ku Xisaabtanto Xigmada  David Maraga,  Xarbiga Raila Odinga &  Xaaladda Uhuru Kenyatta

0
55

By: Cumar M. Faarax

Dalka Kenya ayaa soo jiitay indhaha beesha caalamka oo dhan Jimcihii (1.9.2017) oo  maxkmadooda  sare soo saartay qaraar ay ku tirtirtay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee waddankaas ka qabsoontay 8-dii Ogost oo ay bayaamisay  in doorashadaasi aan loo qaban hannaan waafaqsan sharciga doorashooyinka isla markaana madmow jiray.

Kenya waxay  noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ee natiijo doorasho oo xisbiga talada hayaa ku guulaystay laashey. Waxaanay sumcadii u weyn kasbaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare  Mr. David Maraga iyo afartii garsoore ee go’aanka la saxeexay oo magacoodu qabsaday caalamka, waxaanay qaateen qaraar ugub ku ah qaarrada Afrika oo tusmaynaya in madax-bannaani buuxda laga filan karo garsoorka Afrika. Waxay  amar ku bixiyeen in muddo lixdan maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtooyo oo kale.

Isbahaysiga mucaaridka Kenya ee NASA oo   uu hoggaamiyo Raila Odinga, ayuu xukunkii maxkamaddu ku noqday qosol gariir, waxaannu ku macneeyey  inuu guul u yahay iraaddada ummadda waddankiisa iyo qaarada Afrika oo dhan. Waxa laga damaashaaday degaannadii mucaaridku ku xooganaa oo isu-soo baxyo lagu ayidayo go’aanka maxkamaddu ka dhaceen. Raila Odinga oo 72 jir ah waxa loo arkaa inuu  yahay madaalle aan jixin-jixin, maadaama oo uu markii afraad u cararay madaxtinimada dalka.

Guddida doorashooyinka(IEBC) ayaa bishii hore shaaciyey in madaxweyne Uhuru Kenyatta  uu ku guulaystay doorashada oo mucaaridka ka horeeyey  1.4 milyan  cod. Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo maalintii xukunkan ka nixiyey soo baxay ku dooday in uu ixtiraamayo go’aanka maxkamadda isagoo aan  ku qanacsanayn.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto,  ayaa ugu baaqay guddida doorashooyinku inay cayimaan maalinta la qabanayo doorashada cusub ee maxkamadu jidaysay, waxaanu  tilmaamay in xisbigooda Jubilee uu diyaar u yahay. murrashaxa mucaaridka Raila Odinga, ayaa aaminsan in Komishanka la beddelo oo uu  ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii.

Uhuru Kenyatta, wuxuu   Sabtidii  twitterkiisa ku baahiyey “Waxaynu mar kale galaynaa doorasho.” Isagoo dadweynaha  kala  hadlayay Telefishanka dawladda, wuxuu   budhcad ku tilmaamay xukaamta maxkmadda sare oo uu nidar ku maray  inuu hagaajin doono maxkamadda sare haddii dib loo doorto. Waxaa hadalkiisa loo turjuntay inuu ku durayo   Mr. David Maraga iyo garsooreyaashiisa.

Waxa kaloo madaxweynuhu ku garnaqsaday in xildhibaannadii baarlamaanka iyo badhasaabyadii gobollada doorashadoodii  ku lammaaneyd tii madaxtooyada, balse aan wax muran ah laga keenin oo  xildhibaannadii iyo guddoomiyeyaashii gobollada la  dhaariyey. Waxase uu  isa su’aalay  “Sidee afar qof  ay u burin karaan doorashadii madaxtooyada oo kaliya?.”

Ururka Garsooreyaasha Kenya, ayaa   naqdiyey  hanjabaadaha ka soo yeedhay madaxweynaha Kenya. Waxaanay dabaqda siyaasiyiinta dalkaas ku boorriyeen inaanay wax u dhimin masuuliyiinta bahda garoorka oo ay ku adkaysteen  inay gudanayaan waajibkooda dastuuriga ah.

Ururka garsooreyaashu  waxay ku ammaaneen maxkamadda sare inay ka soo baxeen waajibkoodii oo ay  lafo-gureen caddaymihii ay u tixraaceen xukunkooda.

Maxay Somaliland ka baran kartaa:

Somaliland iyo dalalka Afrika oo dhan waxa ugu jira cibro siyaasadeed oo ay kaga dayan karto go’aanka filanwaaga ah  ee maxkamadda sare ee Kenya oo yiddiilo geliyey ray’ulcaamka bulshada oo u muuqda inay iimaansadeen maxkamadaha dalkaas, maadaama oo aanay jirin dacwad ka xasaasisan kiiskan xukunka lagu sanduleeyey madaxweynaha  iyo xisbal xaakimkaba.

Maxkamadda Sare ee Somaliland:

Somaliland oo bisha November ee sannadkan galaysa doorashadii saddexaad ee madaxweynaha, waxay tahay in waayo-aragnimo ka korodhsadaan dhacdadan. Waxaa maxkamadda sare ee Somaliland oo ah ta  sharcigu siiyay inay shaaciso natiijada rasmiga ah  ee doorashooyinka iyo ka garnaqoodaba.

Waa inay ku darsi ka qaataan oo haddii ay u suurtobayso ay booqasho ku tago Kenya sidii uu ugu tagay bishii October sannadkii 2015kii oo uu la kulmay dhigiisa Kenya. Waxay safarkan ku soo urursan lahaayeen habka maxkamadaasi u qaaday dacwadaha la xidhiidha  doorashooyinka.

Maxkamada sare waxaa hal-xidhaale ku ah oo lagu qiimaynayaa siday ugu caddaalad samayso haddii dacwado ka dhashaan doorashada madaxtooyada ee ay ku hirdamaan saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo aan qabo inay noqon doonto doorashadii ugu adkayd ee dalkan soo marta xamaasada tartameyaasha.

Waxaa waajib ah in maxkamaddu maanka ku hayso inay qaadan karaan go’aan qadhaadh oo caddaalad ku sallaysan haddii ay dhabacdo doorashadu. Guddoomiye Aadan Xaaji Cali  oo muddadii uu xilka hayey shacabku aad ku majeerteen dacwado uu qaaday oo lagu wada qancay.

Komishanka Doorashooyinka:

Komishanka doorashooyinka Somaliland (NEC), oo ah garsooraha kowaad ee  u xilsaaran  qabashada  doorashooyinka, waxaa wadnaha farta lagu hayaa  siday uga dabaalan doonaan  doorashada xasaasiga ah lagu shirabayo komishankan oo dad badani qawadsan yihiin kartidooda muddadii ay jireen. Waa inay  ku tuntuunsadaan caddaaladda iyagoo oofinaya dhaartii ay mareen. Waxaa habboon inaanay  dambarsan  sumcad xumada ku dhacday guddidii doorashooyinka Kenya (IEBC) oo ay dulhogganayso dheg-xumo  ku lammaanaan doonta waligood oo ah mid  maxkamadi ku caddaysay. Waxaanan leeyahay maahmaahdii ahayd “Nin ay ku hadhay ayay hawli haysaa.”

 Saddexda Murrashax madaxweyne:

Saddexda murrashax madaxweyne ee ku loolami doona doorashada madaxtinimada Somaliland ee kala ah Eng. Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa diwaanka loo gelin doonaa   siday u  adeecaan   sharciga dalka oo haddii ay gaadho in la isla galo maxkamadda sare  ay waajib ku noqonayso aqbalaan go’aamada ay soo saarto maadaama oo ay tahay marjaca kaliya ee loo noqon karo sharci ahaan.

Saddexda murrashax ha ku taamilo qaataan     sunaha sameeyay  madaxweyne Uhuru Kenyatta oo laga guntay halku-dhigiisa ah “Go’aanka maxkamadda  sare waan xushmaynayaa anigoo aan ku qanacsanayn.” Waxa kaloo xisbiyadeenna curdinka ah iyo hoggaamiyeyaashooda ay  laasimaan dastuurka iyo xeerka doorashada u raacaan dacwadaha ku wajahan natiijooyinka  doorashooyinka xilliga ay tirsadaan caddaalad darro.

Cumarmfaarax@hotmail.com

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here