Urur Shahaado Sharaf ku Maamuusay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

0
76

Hargaysa(Gudgude)-   Ururka shaybaadhleyaasha  Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa shahaado sharaf ku maamuusay taliyaha ciidanka  Booliska Jamhuuriyadda  Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi   Fadal   Iimaan.

Shahaado sharaftan la gudooon siiyay taliyaha booliska,  ayaa masuuliyiinta ururkani  sheegeen inuu ku mutaystay  kaalinta ciidammada booliska kaga jiraan sugida amniga dalka  iyo wada shaqayn ka dhaxaysa booliska iyo ururkoodaba.

Taliyaha  ciidanka  booliska, Cabdilaahi  Fadal  Iimaan,  ayaa uga mahadceliyay ururkan shahaado sharafta ay ka maamuuseen,waxaanu  sheegay in ciidammada booliska Somaliland yihiin naftood hurayaal waxaannu yidhi; “Waxa uga mahadcelinayaa dhallinyaradan ururka shaybaadhada Somaliland  ee shahaado sharfta nagu maamuusay ee noogu gartay  darteed  hawsha ciidammada boolisku u hayaan bulshada reer Somaliland waana uga mahadcelinayaa ciidammada booliska Somaliland waa  naftood hurayaal waajibkooda qaran ayaanay  gutaan anigana ka taliye ahaan si fiican ayaan u wada shaqayn doonaa.”

Guddoomiyaha   ururka shaybaadhleyaasha Somaliland, Maxamed Yuusuf Nuur,   ayaa  ku amaanay ciidammada booliska sida ay habeen iyo maalinba u  sugaan amniga Somaliland.is la markaana heegan ugu jiraan in gacan bira ku qabtaan cid kasta oo isku dayda in wax yeelayso nabadgalyada dalka;  “Waxa aynu ku jirnaa wakhti doorasho oo xasaasiya cadawga Somaliland wuu iska badan yahay,  waxaan mahadcelinayaa ciidammada booliska  iyo taliyahooda,sida wanaagsan ee ay u sugaan amniga Somaliland iyagoo habeen iyo maalinba u soo jeeda xoojinta nabadgelyada dalka iyo sidii gacan bira ugu qaban lahaayeen cid kasta oo doonaysa in amniga khalkhaliso. waxaana u  soo jeedinayaa in la dhiirigeliyo ciidammada booliska,”ayuu yidhi  Maxamed Yuusuf Nuur.

Gudgude/Hargeysa

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here