Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka oo iska Waraystay u Diyaar-garowga Doorashada

0
41

Hargeysa(Gudgude)- Komishanka Doorashooyinka ayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uga mahadceliyay taageeradii kala duwanayd ee xukuumadiisu ka qaadatay fulinta hawlaha xasaasiga ah ee ay qaranka u hayaan.

Guddida doorashooyinku waxay sidaas ka sheegeen kulan ay shalay la yeesheen madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabiley, sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, Md. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaanu  war-murtiyeedkaasi u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay  Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishanku waxay madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahadnaqeen sida hagar la’aanta ee ay xukuumadiisu hiil,  hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha  u sheegeen inay iyaga komishan ahaan ka go’an tahay inay idamka ALLE Doorashada madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu talagalay 13.11.2017.

KDQ waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Murashaxiintooda ku soo gudbiyaan  muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorashada.

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.”

Madaxweyne Siilaanyo doorashada muddaysan 13ka November, kama qaybgalayo oo bishii October 2015 ayuu sheegay inuu ka tanaasulay, waxaana xisbal-xaakimka KULMIYE calanka u sida murrashax u ah Muuse Biixi Cabdi, halka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu u tartamayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),halka xisbiga UCID uu u cararayo Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Gudgude/Hargeysa

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here