HOGAAMIYE XIRSI : JEEGAANTII WAXAANU KU BEDELNAY “GIRAAN”

0
182

Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa saaxadda siyaasadda Somaliland kusoo kordhiyay fikir cusub oo ku qotoma isbahaysi iyo iskaashi siyaasadeed “ GIRAAN “.

Waa fikir ka tarjumaaya midaynta iyo isku-xidhka dhamaan xadhkaha beelaha Somaliland. Waa fikir bedelaya fikirka kala qoqobka iyo kala firdhinta bulshada Somaliland ee loo yaqaan “ JEEGAANTA”. Dadwaynahu waxay erayga “JEEGAANTA” u isticmaalan marka ay laba beelood oo deegaan ahaan kala fogi ay samaystaan xulafaysi siyaasadeed.

Xulafaysigaas dani uguma jirto bulshada iyo deegaanada beelaha isbahaystay, balse waxa ku qadhaabta koox siyaasiyeen ah oo dano gaar ah wata. Somaliland waxa soo maray laba jeegaanood. Jeegaanta hore waxay ahayd isbahaysagii beelaha wada dega “ Awdal, Sool & Maakhir “ kuna bahoobeen xisbigii la odhan jiray USP “ United Somali Party” oo la sameeyay 1958. Waxa isbahaysigaas hormood ka ahaa Garaad Ali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibrahim Nuur.

Jeegaantaasi waxay burburtay July, 1960. Jeegaanta labaad waxay unkantay 1989 waxaanay dhex martay Beesha Bariga Burco & Beesha Galbeedka Hargeisa. Ma jiro heshiis cad oo lagu hesheeyay, laakinse waxa muuqday iskaashi shaki ku abuuray dhamaan beelaha kale ee Somaliland. Isbahaysigaasi waxuu abuuray qaybin iyo kala -qoqob aan la jaan qaadi karin jiritaanka qaranimada Somaliland. Hadaba, Hogaamiye Xirsi wuxuu JEEGAANTI ku beddelay “ GIRAAN “ . Waa siyaasad ku qotonta tallo-wadaag iyo midnimo . Waa siyaasad walaalayn doonta bulshada Somaliland, keeni doonta deganaansho, xasilooni, horumar iyo dimuqraadiyad. Waa masala siyaasadeed oo qof waliba dhinaciisa kaga fadhiisan doono oo aan loo kala dhawayn.
Wuxuu yidhi Saahid Qamaan :
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi,

Masaa in aanu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye,

Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma taabsiyo,

Ninkii  aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho,
Sidii koran xiniiyaha la muday uma maluugnaado.
Qalinka :Drs Hoodo Yusuf, London,UK.
yhoodo@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here