Guddoomiyihii KULMIYE ee Gobolka Hawd oo is Casilay

0
48

Hargeysa(Gudgude)- Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ee gobolka Hawd, Xasan Digaale Xuseen, ayaa sheegay inuu iska casilay xubinimadii iyo xilkii uu ka hayey xisbal-xaakimka, waxaanu ku dooday in iscasilaadiisu la xidhiidho sida uu sheegay wada shaqeyn  ay ka waayeen maamulka xisbiga.

“Waxaan iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga KULMIYE, sababaha aan isku casilayna waxa ka mid ah cid nala shaqeysa ma aanu arag, sidii naloo magacaabay xataa xafiiska xadhiga naloogama jarin. Anigu laga bilaabo maanta meel kale ayaan uga digorogtay,”ayuu yidhi Xasan Digaale oo maanta warbaahinta la hadlay.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in aan xukuumaddu waxba u qaban gobolkiisa, waxaanu ku dooday in arrintaasi sababtay inuu is casilo badhasaabkii gobolka Hawd oo uu xusay inuu istiqaalada dhiibay markii waxba laga hoos qaadi waayay.

Xasan Digaale oo  dhowr bilood ka hor is  casilay haddana ka noqday, ayaa suxufiyiintu weydiiyeen  waxa iscasilaadiisani  kaga duwan tahay tii hore ee uu ka noqday, waxaannu yidhi;  “Markii hore dhexdayada (maamulka xisbiga ee gobolka Hawd) ayay dhibaatadu ahayd oo shaqadu ka socon weyday. Markaa waxa dhacday inta la I soo qabtay ayaa la I maslaxay oo la yidhi shaqadu way soconaysaa, imikana waxba  ismay beddelin.”

Inkastoo aanu carabka ku dhufan wuxuu u muuqday inuu ku biirayo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Gudgude/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here