Soomaaliya oo Shirka Qarramada Midoobay ka Caddeysay Caqabada ugu Daran

0
41

New York(Gudgude)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay, ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay guulo muhiim ah ka gaadhay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, cunaqabateynta hubka ee saaran dalkase ay xaddidayso in laga guul gaadho ujeeddadaas.

Waxa uu sheegay in argagixisada ay weli tahay mid ka mid ah caqabada cakiran ee haysta dalkiisa, iyadoo cawaaqibka ka dhashayna laga dareemay buu yidhi caalamka oo dhan.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada ku aaddan sidii looga hortegi lahaa aafadaas. Waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo “Dedaal kasta oo aan ku dhimayno koboca iyo galaangalka ururrada argagixisada caalamiga ah sida ISIS iyo Al-qaacidah kuwaas oo aan ognahay inay saameyn ku leeyihiin argagixisada gudaha,” Ayuu yidhi Khayre.”Waa in la laba laabaa dadaallada lagu sameynayo faragelinta ka dhanka ah kooxahaasi oo kale.”

Siday baahisay BBC-da oo aanu warkan ka soo xiganay, Soomaaliya ayuu sheegay inay gaadhay guulo wax ku ool ah oo ay ku yaraysay awoodda Al-Shabaab.Hasayeeshee waxa uu sheegay in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay si weyn u xaddidayso in guul laga gaadho isku-daygooda.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay inay sii wadi doonto sidii ay ugala shaqeyn laheyd Golaha Ammaanka iyo dhinacyada kalaba sidii cunaqabateynta hubka dalka looga qaadi lahaa.

Gudgude/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here