Ganacsatada Somaliland oo Balanqaaday Inaanay u Dul-qaadanaynin Ciddii Qas Samaynaysa

0
62

Hargeysa(Gudgude)- Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa  maanta  la kulmay  Rugta Ganacsiga Somaliland iyo xubno masuuliyiin iyo mulkiilayaal ah oo ka kala socday qaybaha ganacsatada waaweyn ee Somaliland.Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta Komishanka Doorashooyinka, wuxuu ahaa kulankii u horreeyay ee abid ay guddida doorashooyinku la yeeshaan ganacsatada.

Kulankan oo ay u dhammaayeen  toddobada xubnood ee Guddida Doorashooyinka (KDQ) waxa ku wehelinaayey madaxa hawlgalinta Siciid  Cismaan iyo madaxa saxaafadda iyo xidhiidhka bulshada Siciid  Sheekeeye.

Guddoomiyaha KDQ, Cabdiqaadir Iimaan  Warsame, oo ka hadlay ayaa  warbixin kooban ka siiyay hawlaha Guddida KDQ iyo halka ay marayso hawsha u diyaar garowga doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13ka November ee sannadkan.

Madaxa hawlgalinta Komishanka,  Siciid Cisman, ayaa warbixin dheer oo la xidhiidha diiwaangelintii codbixiyeyaasha iyo kaadh qaadashadii ku soo bandhigay shirka. Waxa  kaloo ka hadlay shirkaas guddoomiyaha Rugta Ganacsiga,  Maxamed Shukri, waxaanu  ku amaanay KDQ  siday ugu yeedheen ganacsatada si ay talo iyo tusaaleba uga dhiibtaan arrimaha doorashada.

Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil,  Maxamed Siciid ayaa   kelmado duco iyo talo iskugu jiray  u soo jeediyay  Komishanka Doorashooyinka, waxaanu balanqaaday inay ku barbar taagan yihiin hawlaha culus ee ay guddidu  u hayso waddanka. Waxaanu ku dooday in ganacsatadu ay danaynayaan nabada waddanka oo aanay u dul-qaadan doonin  cid kasta oo qas abuuraysa.

 

Gudgude/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here