Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xoghayaha QM ka Dalbaday Taageero Dheeraad ah

0
36

NEW YORK(Gudgude)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qarammada Midoobey António Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey António Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qarammada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gadhay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka intii uu socday ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xidhiidha  nabadgelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qarammada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururrada argagixisada sida Al-Shabaab.

António Guterres ayaa sheegay in Qarammada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay inay taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulo la taaban karo ee ay ku gaadhay waqtiga kooban.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here