Hargeysa(Gudgude)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Somliland ka tacsiyadeeyay afar caruur ah oo walaalo ah oo ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaalla magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa kaloo uu ilaahay uga baryay inuu shaadiyo Hooyo Khadra Aadan Xuseen oo iyadana dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyada, Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr). “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtii xalay galinkii dambe (24.09.2017) dabkii ka qarxay Xaafadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey kuwaasi oo ahaa afar caruur ahi, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacan tahay. Caruurtaasi oo lagu magacaabi jiray Suhur Maxamed Ismaaciil oo 13 jir ahayd, Marwo Maxamed Ismaaciil oo 8 jir ahayd, Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir ahaa iyo Nimco Cabdi Ismaaciil 2 jir ahayd,”ayaa lagu yidhi dhambaalka tacsida ah ee madaxtooyada.
“Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Xuseen, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo Khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryay inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu beddelo,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka madaxtooyada.
Gudgude/Hargeysa