“Rag Ayaa Leh Xisbiyadda Kale Gabiley Waa Ku Marti, Waxaan U Sheegaya Oo Aan Ugu Dhaaranayaa In Aanan Gobolkan Marti Ku Ahayn” Musharrax Cirro

0
48

(Gudgude) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna musharraxa Madaxweynaha xisbigaasi Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  ayaa sheegay in siyaasiyiin aanu xusin inay ku ololaynayaan in xisbiyada kale aanay iman karin gobolka Gabiley oo ay ka xigtaysanayaan Axsaabta kale.

Musharrax Cirro waxa kale oo uu sheegay in aaanu marti ku ahayn Gabiley , islamarkaana aanu cid u daba fadhiisanayn imaanshiyaha magaalada Gabiley oo maanta lagu soo dhaweeyay wefti uu hoggaaminayay.

 

“Barnaamijkayaga waxa ku qoran in la soo nooleeyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ka mid noqon-doona Madaarka Kala-baydh, Walalayaal waxaynu is weydiinaynaa, Nin xakiimaa wuxuu yidhi KULMIYE muxuu KULMIYE kulmiyay, Ninkaa xakiimka ah waxaan ka qoray shan wax oo shantuba waa dhibaatooyin waxa ugu horaysa Qabylaad oo waa kuwaa leh halkan waxa leh reer hebal, waxa ka mid ah shaqo la’aan oo dhalinyaradii-baa inaga tahriibtay, waxa ugu sii daran sixir-barar. Waxa ka sii daran iibkii hantida qaranka oo aanay waxba ka noolayn, waxa ka daran oo ugu dambayso cadaalad daro inkaloo badanina Qalbigiinay ku jirtaa” Ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna musharraxa Madaxweynaha xisbigaasi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu  yidhi “Walaalayaal waxaynu maanta u baahanahay helno Garoon aynu si siman ugu tartan, waxaynu uga digaynaa cid kasta oo isku dayda inay dariiq aan sax ahayn ku hagar-damayso in doorasho xor ah oo xalaa ahi ka dhacdo dalka. Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda in la is bar-bar taago guddida doorashooyinka loona fududeeyo hawsha ay gacanta ku hayaan si hayaa si ay u qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

 

Halkan ka daawo warkan oo faah-faahsan.

Gudgude news.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here