Muqdisho waa magaalo cimilo ahaa kulayl uu huur ku jira ah waxaana marta badweynta Hindiya Sahan la saameyey 2015 kii waxaa kasoo baxday in magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ay ku nool yihiin dadka lagu qaderay 2.5million.
Marka aad kasoo gasho albaabka dhinaca cirka ee Madaarka loo yaqaan waxa ay indhahaygu qabanteen fadhiisimo Ciidan oo laga sameeyey xataa wadada laamiga ah ee madaarka ka timaada waxaanan aminay inay ay tahay furin dagaal, balse markii aan gudaha u galay waa muqaal ka duwan waa nolol caadiya iyo goobo ganacsi oo si fiican u shaqaynayaa inta ka horaysa 5 galabnimo .inta badan wadooyinka waxaa taagan ciidanka nabad sugidda oo gadiidka ku baadha . waxaa jira qaraxyo , dilal qorshaysan iyo isku dhac ciidan oo mararka qaar ka dhaca kuwaas oo galaaftay nolosha kumanan Soomali ah .waxaanay ii sheegeen in ay kasoo kabanayso burburkii iyo dagaaladii rubuc qarniga ka socday .
Baaburta ugu badan ee magaalada ka dhex shaqeeya waa gadiidka nooca loo yaqaan Bajaajta iyo Basaska Caasiga ee Hoomeymad loo yaqaan .
Nolosha Maagalada Muqdisho waxa ay ka nolol qaalisan magaalada Hargeysa marka loo eego goobaha la seexdo , wax laga cuno iyo kiradda guryahaba Waxaanay sababtay in noloshu bulshadu noqoto laba dabaqadood gaar ahaan dabaqad sare iyo dabaqad hoose, iyada oo ay meesha ka sii baxayso dabaqadda dhexe oo ah tan dhaqaajisa horumarka dal iyo dhaqaalihiisa.
Hanaanka iyo haykalka maamul ayaa shaqeeya sagaalka subaxnimo ilaa afarta galabnimo oo ay indhahaagu qabanayaan shaqaale sagaalka subaxnimo jarmaadaaya .
Intaan arkay Dhallinyarada magaalada Muqdisho ayaan ku mashquulin arrimaha Siyaasadda waxaanay taa bedelkeeda ku foogan yihiin falanqaynta ciyaaraha iyo haasawaha .
Goobaha ugu badan ee Caafimaadka ayaa lagu daaweya Xanuunadda ku dhaca Ilkaha oo inta badan bulshadu ka cabato waxaanay ii sheeg in ay ugu wacan tahay biyaha magaalada oo ah kuwa adag oo dhanaana iyo qaadka ama jaadka loo yaqaan miiroga.
Magaalada Muqdisho waa mid ku adag inuu ka dhex muraadsadaan dadka qaaribka ah waxaanay ii sheeg maahmaah maxaliya oo ah, Muraadka Xamar Muraayad baa ka xigta .
Safarkaygii waxaa iga baxay in ay Dadka shacabka ahi qabatimeen la nooladan duruufaha wakhtigu baday kuna rajo weyn yihiin in mar un ay heelan Muqdisho Caasiamadaha dunida nabadoon la mida.
Siciid Faarax Cagjar