Booliska Saraar Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Deegaanka Ceelal Iyo Gacan Ku Dhiiglihii Gaystay

0
39

Caynaba (Gudgude)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Saraar Ganshale dhexe Mursal Xaaji Warsame ayaa ka hadlay dil ka dhacay agagaarka deegaanka  Ceelal oo lagu khaarajiyey Marxuum la yidhaahdo Fu’aad Saleeban Nuur .

 

Taliye Mursal ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanihii dilka lagu eedayey oo magaciisa lagu sheegay  Yaasiin Xasan Saleeban , waxaanu tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Fu’aad . isaga oo arrimaha ka hadlaayana waxa uu yidhi   “ Hawl gal ay ciidanka booliska ee gobolka Saraar ugu baxeen goobta la yidhaado xabaja dheer ee duleedka deegaanka Ceelal oo uu ka dhacay dil 28.9.2017 ,waxaa ku geeriyooday Marxuum Fu’aad Saleeban Aadan oo uu dilkiisa ku eedaysan yahay  Yaasiin Xasan Saleeban oo hadda gacanta ugu jira   ciidanka booliska gobolka Saraar”

 

Eedaysanaha ayaa la sheegay in uu tacshiirad rasaas ah ku furay gaadhi ay wateen Marxuumka iyo niman la socda oo daba socday Awar uu soo xaday eedaysanuhu halkaa waxaa  uu ku xijaabtay Marxuum Fu’aad Aadan Saleeban Nuur , waxaanay Masuuliyinta ciidanka iyo madaxda gobolku tacsi u direen ehelkii iyo asaxaabtii uu ka baxay Marxuumku iyaga oo Illahay ugu baryey inuu janadiisa ugu deeqo

 

Gudgude.com

Hargeysa/office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here