Turkiga oo Saldhigiisa  Soomaaliya ku Macneeyay Suuq u Raadinta Iibka Hubka Dalkiisa

0
52

Dawladda Somaliland Wali Kamay Hadal Saldhigan Walaaca Laga Muujiyey

MOGADISHU(Gudgude)-Dawladda Turkiga  ayaa magaalada Muqdisho ee waddanka Soomaaliya ka furatay Sabtidii  saldhigii ugu  weynaa ee millatari  ee ay ka samaysato meel ka baxsan dalkeeda.

Siday faafisay wakaallada wararka ee Reuters, oo Warsidaha Gudgude ka soo xigtay, ayaa ku warantay in   saldhiga Muqdisho uu Turkiga ugu fadhiyo ahmiyad weyn oo uu ku muujinayo   galaangalkooda  iyo doorka siyaasadeed ee  ay ku yeelanayaan bariga Afrika.

Saldhigan oo  ay ku baxday lacag dhan konton Milyan oo Doolar, waxaa uu kor u qaadayaa cilaaqaadka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Sarkaal Turkiya  ayaa   furitaankii saldhigan Muqdisho  ka hor u sheegay  Reuters inuu saldhigani    uu ka mid yahay qorsheyaasha dawladda Ankara ay mudnaanta siinayso  oo ay   suuq cusub ugu raadinayso iibka hubka ay sameeyaan.

In ka badan 10.000 oo  askari oo Soomaali ah ayaa lagu tabobari doonaa saldhigan.  Waxaana markiiba geli kara 1500 oo askari. Waxa furitaankiisii ka qaybgalay taliyaha  millatariga  Turkiga, Hulusi Akar.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu si weyn ugu mahadcelinayo dawladda Turkiga oo uu tilmaamay inuu  saldhigii ugu weynaa ka furtay Soomaaliya. Waxaanu xusay inay carbin  doonaan ciidammada Soomaaliya.

Geesta kalena, Falanqeeyeyaasha siyaasadda  ayaa  warsida Gudgude u caddeeyay inay aaminsan yihiin saldhiga Turkiga  uu halis u yeelan karo Somaliland, maadaama oo uu Soomaaliya ay Turkiga ka helayso  tababaro sare iyo hub labadaba. Waxa kaloo  ay intaas raaciyeen inuu sii xumayn doono kala shakigii labada dhinac kala qabeen.

Xukuumadda Somaliland kamay hadal wali saldhigan iyo saamayntiisa, waxayse hore u sheegtay inuu dhaawici karo ammaanka mandaqada Geeska Afrika.

Somaliland waxay iyana dawladda Imaaraadka carabta la saxeexatay heshiis ay saldhig Millatari kaga siisay magaalada Berbera.

Gudgude.com
Hargeysa/Somaliland

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here