Yurub Geenyo oo ku soo Gashay Hargeysa Cafis uu u Fidiyay Madaxweyne Siilaanyo

0
44

Hargeysa (Gudgude)- Fanaanada Yurub Maxamed Cabdilaahi Geenyo oo shalay kasoo degtay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ayaa sheegtay in ay bulshada Somaliland ka raali-gelinayso safarkii ay ku tagtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya .

Yurub Geenyo ayaa u mahadcelisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo cafis u fidiyey waxaanay sheegtay in qaddiyada Somaliland ay qalbiga ku beeran tahay “Waxaan Mahadnaq u dirayaa Madaxweynahayga Jamhuuriyadda Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ii  fidiyey Cafis  aad baan ugu mahadcelinayaa,”ayay tidhi.

 Yurub waxay intaas raaciysay “Anigu Fanaanad reer Somaliland ayaa ahay ,anigoo Muqdisho joogan waan ahaa sida ku sheegay waraysiyo aan qabtay , haddana waan ahay cidna igama maydhi karto “

Ugu danbayn Yurub Maxamed Cabdilaahi Geenyo ayaa shacabka reer Somaliland ka raali gelisay safarkii ay ku tagtay Magaalada Muqdisho waxanaay tidhi  “Shacabka Somaliland meel walba oo ay joogan waxaan leeyahay  haddii aad dhibsateen Muqdishoon tegay  aad baan idinka raali gelinayaa dibna u dhici mayso.” 

Soo laabashada Fanaanadan ayaa ka danbeeyey Cafis uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo .Barlaamkii hore  ayaa  qaraar kasoo saaray in aaney  Xamar tegi karin dadka caanka ee kasoo jeeda degaannada Somaliland.

 

Gudgude.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here