Guddoomiyaha Guurtida oo Sheegay in Aanay Cidina Boobi Karin  Doorashada, Baaqna u Diray Xisbiyada

0
31

 “Bulshada  Waxaan leeyahay  codkiina  ka xun ku reeba, ka wanaagsana ku doorta”

 

 

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  sheegay  inaanay jirin cid doorashada madaxtooyada boobi kartaa maadaama oo la sameeyay diwaangelin meesha ka saaraysa in dadka qaar codbixinta ku noqnoqdaan.

Waxa kaloo uu ka hadlay sababta keentay in aqalkoodu ay muddo-dhaaf badan xilka fadhiyaan. Guddoomiye Saleebaan oo shalay u waramay Wargeyska Dawan, waxa kaloo uu ka hadlay kaalinta aqalka odayaashu ka qaataan nabadeynta shaqaaqooyinka ka dhaca gobollada waddanka iyo baaq uu u jeediyay xisbiyada iyo shacabka Somaliland. Waraysigaas oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:-

Su’aal: Guddoomiye ugu horayn waxaad nooga warantaa arrimaha nabadaynta iyo hawlaha goluhu qabto halka ay idiin marayaan?

Jawaab: Guurtida  sannadkan hawli kuma baaqan, bari way tagtay nabad fiican ayaana laga soo dhilayay oo laba meelood ahayd.  Markii horena beelaha Sacad Yoonis iyo Bahaha, markii danbena Sacad Yoonis iyo Axmed Faarax (Biciide), guul fiican ayaanay ka keeneen.

Arrintii  xagga galbeedka ee Xariirad, ee qoladda Ciise iyo reer Dudub (Samaroon), magtii waa loo kala celiyay. Wax badan oo halkaa ku hadhsani ma jiro. Xagan Dharkayn-geeyo iyadana muddo hore ayay dhammaatay. Markaa golaha Guurtida wax ku dhiman oo xaggaa nabadda ah ma jiraan.

Su’aal: Guddoomiye doorashadii madaxtooyada ayaa dhawaan dalka ka dhacaysa, saddex xisbi ayaana tartamaya.

Su’aal: Sidee ayaad u aragtaa, maxaad se tallo ahaan  u jeedinaysaa axsaabta tartamaysa, shacabka Somaliland iyo guddiga doorashooyinkaba?

Jawaab: Ninbaa beri yidhi Ilaahayow Cirku miyuu innagu soo dhaco, mid kale ayaa yidhi ‘Ilaahayoow nagu soo daa’ Kii hore ayaa baqay oo yidhi ‘Maxaad sidaas u leedahay?’ dee meesha aad ka gasho ayaan ka gelayaa ayuu ku yidhi ee aad ku bad-baadayso.

Iyagu (xisbiyada) miyay ka badbaadayaan, haddii dadka colaad laga dhex abuuro. Ilaahay inaguma  keenno nabadgelyo darro. Doorashadana  inaynu isku dhacno iyo  in aynu is-boobno, waa cudurradda aynaan lahayn is-boobidu. Laakiin, waxaynu lahaan jirnay in aynu ku noqnoqono, taasna waatan laga dedaalay hadda ee diiwaangelinta la sameeyay. markii horena waxba kumaynaan kala qaadi jirin. Nin iyo tamartii  fasax ayay u ahayd. Laakiin imika diiwaangelin  ayaynu galnay, nin-na kuma dhaco in uu wax boobo, Xabsi ayuun baa loo taxaabayaa  markaa anigu cabsi ma qabo.

Su’aal:   Doorashadan soo socota ayaa loo arkaa in ay ka xasaasin tahay kuwii hore, iyadoona loo arko in xagga codadka xisbiyadda tartamaya qaarkood ay isku dhawaadaan oo tiradda codadka lagu kala baxayaa ay noqon waydo mid aad loo kala fog yahay, taasi Malaga yaabaa in ay carqalad keento?

Jawaab: Siddee ayay taasi dhibaato u keenaysaa, xataa miyaa hal cod lagu kala helo. Ilaahay (SWT) muran innagumaba keenee, haddii hal cod lagu kala helo kaasaa xalaal ah. doorashadii ay tartameen Daahir Rayaale iyo Siilaanyo ee ugu horraysay 82 cod ayaa lagu kala helay. Doorashadu mar haddii ay iyadoo xor iyo xalaal ah dhacdo ninkii buuq ka keenaa, isagaa cirka caanno ku og. Ummadduna ogolaan mayso.

Axsaabta   waxaan uga digaynaa, marka hore in ummadda la ilaasho, oo in aanay isku dhicin bulshadu la ilaaliyo. Nin walawba (murashaxiinta) waxaaga sheego, haddii aad dhaliilo u haysaan xisbiyada kale qof wareen ma jiro, siyaasadooda wixii aad kala soo baxaysaan waa halkeeda, laakiin shaqsi ahaan asluubta doorashooyinka iyo siyaasadda ma aha in qof, qofnimadiisa  la weeraro iyaguna (xisbiyada) ha ina dhawraan, dadkuna qofkii gardaran way arkaan, raalina lagaga noqon maayo.

Su’aal: Ma jiraan wax qorshe ah oo ka gole ahaan idiinka yaala in laga hor tago in wax dhibaato ah ay ka dhalato doorashadda?

Jawaab: Mar walba annaga (Guurtidda) waa noo qorshe,  in aanu bulshada dhex marno oo aanu wax u sheegno, wacyigelin ilayn annagu Xabad qaadan maynee. In aanu bulshadda u sheegno waxa wanaaga iyo dantu tahay, taana waan qabanaynaa.

Su’aal: Beryahan danbe waxaa jira dad badan oo dhaliilla Golaha Guurtida oo sheega in aad ka gaabiseen doorkiinii ahaa hawlaha dhaqanka, nabadgelyada iyo kaalintiinii sharcigu idin siiyay, way ka gaabiyeen ayaa la yidhaahdaa golaha Guurtidu, arrintaa sidee ayaad u aragtaa?

Jawaab: Anigu ma qabo arrintaas. Annagu ka Guurti ahaan horaan kuugu idhi wax nagu baaqday  oo xagga nabad ilaalinta iyo nabadgelyadda  ahi ma jirto. Wax way dhacaan, laakiin gurmadka  annagu (guurtida) wax nagu baaqday ma hayno. Ninkiise sidaas leh, isagaa og,  waanu noo soo sheegi. Laakiin, annaga wax nagu baaqday ma hayno.

 Su’aal: Guddoomiye golahan Guurtidda muddada ay Somaliland jirtayba waa gole jiray oo shaqaynayay, wax doorasho ah oo ka dhacdayna ma jirto, wax sharci ah oo ka yaalla in ay mudaneyaashu muddo sidaas u dheerna ma jiro, golahani goorma ayuu doorasho gelayaa oo uu banaynayaa kuraasida?

Jawaab: Muddo dheer in aanu meesha joognay waanu aragnaa, oo golihii 1993-kii soo galay in uu yahay way jirtaa. Wixii dhinta uun in la beddelo maahee. Waa marka kowaade, waxaa la yidhi golaha sharci ayaa loo samaynayaa  sidii u soo noq-noqonayo, sharcigii ayaana la innaga sugayaa. Anigana la iga sugi maayo, hawshaasi meel ayay fadhidaa. Balse anigu tallo ayaan ku leeyahay, taladana horena waan u dhiibay, mar walbana waan gayn, laakiin sharcigii bay u fadhidaa lagu soo dooran lahaa aqalkan.

Hadda waynu kala baqaynaa, oo qolo waliba waxay leedahay tan hore ayaanan raali ku ahayn, sida loogu heshiinayaba garan maayee. Laakiin mar haddii aynu muwaafaqo la nimaadno waa la iskaga heshiin doonaa sida loo qaybsanayo. Haddii aynu wax kale wayno haba la yidhaahdo doorasho hala galo, markaa arrintaasi sharcigii loo raaci lahaa ayay u baahan tahay ee wax lagu soo dooran lahaa. Dastuurkuna arrintaa, ma faahfaahinin, waana mid inoo wada taalla, waase la iga sii leeyahay, talada ayaynu ka leenahaye, waynu ka talin doonaa.

Su’aal: Guddoomiye waxaa jirta in golaha Guurtidu uu noqday gole dhaxal tooyo ah oo ninkii dhinta innankiisii ayaa beddelaya, xataa waxa jirtay in ragg golaha ka tirsanaa oo dhintay ay xaasaskoodii beddeleen, taa sharcigee ayaad u raacdaan idinku marka xubnaha noocaas ah ay golaha soo gelayaan ee aad buuxinaysaan?

Jawaab: Sharci loo raacaa ma jiro, laakiin dhaqan ayaynu lahayn. Xubinta qoysku ma leh, laakiin waxa leh reerka guud ee soo dirtay markii hore, inay se imika dhaqan iska noqotay waan idinla arkaa. Annagu marka aanu nidhaahno keena qof da’da guurtida gaadhay oo intiinii wada lahayd aad ku soo heshiiseen.

Iyaga (beesha) ayuun baa yidhaahda reerkii wuu bakhtinayaa haddii aan kii hore wax la siinin, arrintu ma aha annaga (golaha). Laakiin kolay waxaa dhaliil nagu noqonaysa labadayada qoloba,  da’da. Laakiin arrintaa xulashadeedda reerka ayaa iska leh, annaga (Guurtidda) ma aha.

Su’aal:  Madaxweynuhu  wuxuu soo saaray wareegto uu kaga hadlay arrimaha doorashadda iyo in aan hantidda qaranka sida gawaadhida dawladda iyo hantidda ummadda loo isticmaalin ololaha.

 Waxaana  jirta siday mucaaridku ku doodaan in wasiirrada iyo ragga dawladda u shaqeeyaa ay isticmaalaan gaadiidka dawladda xiliyadda ololaha marka doorashadda la gelayo, adigu arrintaas maxaad ka odhan lahayd?

Jawaab: Maxaan ka idhaahdaa, madaxweynihii ayaaba yidhiye, haddii uu yidhi hantidda dawladdu haysaa waa mid qaran, ama gaadiid ha ahaato, ama dhaqaale kale ha ahaato, taa ayaan doorasho lagu gelin oo wasiirow wasaaradii aanu kuu dhiibanay dhaqaalaha yar  ee ay haysato haku gelin ololaha, baabuurkeedana ha kaxaysan, mid aaad leedahay kaxayso, meel laga dhaafaa ma jirto.

Su’aal: Ugu danbayn, muxuu yahay baaqa aad u jeedinayso ummadda reer Somaliland iyo xisbiyada tartamaya?

Jawaab: Ummadda reer Somaliland horta wanaaga ayaanu uga baranay dhibaatana kuma ogin. Waana dad caddaalad jecel. Maantana bulshada waxaan leenahay, waxaa asxaabtu isku buuqaysa idinku raaci maysaane cod baad leedihiin, codkiinaas ka xun ku reeba, ka wanaagsanna ku doorta. Kii Somaliland  anfacaya inoo doora ee aad aragtaan in uu ina anfacayo, kii xunna codkiina ayuun baad u diidaysaan, dadweynoow taa xilkeedda idinkaa leh. Anigu se waxaan leeyahay, qofkii ina anfici lahaa inoo doorra, ee ina dhiqi lahaa, ee qaran ahaan ina  dhiqi lahaa  inoo doora.”

Gudgude/Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here