Beelo Taageeradooda Muuse Biixi Shuruud Ugu Dhigay In Lagu Wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

0
37

Hargeysa(Gudgude)-Shirkii ka socday maalmihii u dambeeyay dooxada Dagaar ee deegaanka Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ee ay yeesheen beelaha Biciido, ayaa xidhitaankii ka dib waxa shalay qabsoomay shir kale oo ay isugu yimaadeen salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha  Muuse Abokor, waxaana la iskula qaatay in wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, lala raadiyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hor doorashada November ee madaxtooyada.

Shirka oo uu warku sheegay inuu fadhiyay suldaanka guud ee Beelaha Habar Jeclo, ayaa si weyn loogu faaqiday arrimaha siyaasadda, waxaana la sheegay in wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi uu badheedhihiisa dhiibtay islamarkaana uu madasha soo dhigay doonistiisa guddoomiyaha KULMIYE. Ergadii shirka fadhiday ayaa wasiirka ku taageeray go’aankiisa, waxaanay la magacaabay guddi la sheegay inay ka koobanyihiin 9 xubnood oo uu arrintaas ka hawlgasha. Guddiga ayaa waxaan ku jirin Suldaanka guud oo la sheegay inuu ku taliyay in isaga laga reebo maadaama oo uu yahay suldaan guud.

Guddigan ayaa lugtooda u horeeya waxay ku imanayaan magaalada Burco, waxaanay u soo gudbi doonaan caasimadda Hargeysa oo ay kulan kula yeelan doonaan guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE oo ay u bandhigi doonaan doonista Wasiirka awooda badan Maxamuud Xaashi Cabdi ee guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Odayaashan guddiga ah ayaa go’aansaday inay doonayaan in wasiir Maxamuud Xaashi loogu wareejiyo guddoomiyaha KULMIYE doorashada ka dib sidii madaxweyne Siilaanyo ugu wareejiyay Mujaahid Muuse Biixi, laakiin waxay doonayaan in la sii kala qorto heshiis is afgarad.

Dhawr goor ayay warbaahintu soo bandhigtay warbixino sheegaya in guddoomiyaha KULMIYE ay ku loolamayaan Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah guddoomiye-xigeenka KULMIYE iyo Wasiir Maxamuud Xaashi, laakiin labadooduba si wada jir ah ayay u dafireen inuu jiro wax loolan ah oo ka dhexeeyaa.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here