Tilmaamo Fajiciso ah oo Laga Tabiyey Ninkii Dadka Badan ku Laayay Las Vegas

0
81

Weerarkii  Las Vegas ayaa noqday  kii  ugu xumaa taariikhda casriga ah ka dhaca  Maraykanka, waxaana  lagu dilay 59 qof , halka  500 oo ruuxna  lagu dhaawacay.

Weerarkan oo uu geystay  nin caddaan ah oo lagu magacaabo Stephen Paddock, oo 64 jir ahaa oo la weriyay inuu ahaa nin ladan oo xisaabiye hore ahaa, islamarkaasna haystay liisanka  duuliyenimada. Waxa kaloo uu ruqsad u haystay     ugaadhsiga, mana lahayn wax diiwaan hore oo dambi ah.Balse qof mar daris la ahaan jirey ayaa sheegay in uu ahaa mid balwad u lahaa  aadna u ciyaari jiray  khamaarka.

 

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Las Vegas ayaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyay in ay jiraan sababo loo rumaysan karo in Paddock uu ahaa qof xagga maskaxda iska buuqsanaa.

Paddock ayaa rasaas oodda kaga qaaday dad badan oo ka qeybgalayay bandhig faneed habeenkii Axadii, toddobaadkan isaga oo dadka kasoo toogtay qol uu ka deganaa Hudheelka  Mandalay Bay, wuxuuna halkaas ku dilay 59 qof, 500 kalana wuu   dhaawacay ka hor intii aanu is dilin.

Illaa 23 qori ayaa laga heley qolkii dabaqa 32-aad ee uu deganaa, waxaa kale oo laga helay kumannaan rasaas ah. Booliiska waxay intaas ku dareen  in qolkii uu ku jiray  ay ka heleen waxyaabaha qarxa iyo aalado kale.

Nin lagu magacaabo David Famiglietti oo leh bakhaar hubka lagu iibiyo oo magaciisu yahay New Frontier Armory ayaa BBC-da u sheegay in dukaankiisa uu hubka ka iibsaday  sannadkan, wuxuuna sheegay in Paddock uu waafaqay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka hubka iibsanaya oo ay ka mid tahay in qofka laga eego diiwaanka dambiileyaasha ee FBI-da.

Balse waxa uu intaas ku daray in qoriga uu isticmaalay laga yaabo in uu farsamo dheeraad ah ku daray , haddii kale aanay  suurtogal ahaan lahayn in uu sidaas u shanqadho, khasaaraha intaas leegna geysto muddada sidaas u gaaban.

FBI-da waxa ay sheegtay in aanay  helin wax raad ah oo muujinaya in Paddock uu xidhiidh la lahaa koox argagixiso ah oo Maraykanka dibadiisa ku nool. Erick Paddock oo ah ninka la dhashay Stephen Paddock ayaa sheegay in aabahood uu ahaan jiray nin bangiyada dhaca, kaas oo ku jiray liiska FBI-da ee dadka loogu doondoonista badan yahay.

Kaarto ay ciidammada dejiyeen sannadkii 1969-kii ayaa waxa ka muuqda sawirka Patrick Benjamin Paddock., waxaana ku qoran in ninkan uu qabo xanuunka maskaxda. Patrick ayaa la qabtay sannadkii 1978-dii isaga oo ku sugan gobolka Oregon. Waxa uu dhalay 4 wiil oo uu Stephen u weyn yahay.

Erick Paddock oo wiilasha ugu yar ayaa korey isaga oo u malaynaya in uu aabihiis dhintay, balse sannado ka hor markii uu tagay machad ciidammada cirka ayaa waxa loo sheegay in aabihiis uu nool yahay, yahayna qof horey uga tirsanaan jiray ciidammada oo geesinimo oo geesinimo lagu yaqaanay.  Xili aan sidaas u sii fogayn ayuu dhintay Patrick Benjamin Paddock sida ay faafiyeen warbaahinta Maraykanku.

 

Sida ku qoran warbixin ka baxday  talefishanka NBC News, Stephen Paddock,  ayaa dhawaan ciyaaray khamaar lacagtiisa dhan tahay kumanaan kun oo doolar, balse ma cadda in uu guulaystay iyo in uu guuldaraystay.

Nin kale oo ay walaalo yihiin  oo  la yidhaahdo  Bruce Paddock,  ayaa NBC u sheegay in walaalkii uu ahaa nin taajir ah oo malaayiin doolar ku maalgashada guryaha.

Nin ah qandaraasle xagga difaaca oo lagu magacaabo Lockheed Martin ayaa ku dooday  in Paddock uu u shaqayn jiray shirkado xagga arrimaha difaaca.

 

Sannadkii 2016-kii ayuu degay guri labo dabaq ka kooban oo ku yaala Mesquite, Nevada, halkaas oo ay wada degenaayeen lamaanihiisa Marilou Danley oo 62 jir ah sida ku cad diiwaanada dowladda. Booliiska ayaa sheegay in ay ka shaki baxeen haweenaydan oo markii hore ay sheegeen in ay baadi goobayaan.

Sida ay qoreyso warbaahinta Maraykanku, Paddock ayaa waxa uu haystay liisanka  duuliyenimada, isaga oo lahaa laba diyaaradood oo yaryar.Nin lagu magacaabo Diane McKay ayaa wargayska Washington Post u caddeeyay  in  ninka dilka geystay ay jaar ahaayeen oo uu samayn jirey waxyaabo layaab leh, oo ay ka mid tahay in markasta isaga iyo gabadha ay saaxiibada yihiin ay daaqadaha xidhan jireen. Waxaanu ku sifeeyay  inuu ahaa nin aanan dadka dhex gelin. Paddock ayaa dacwad ku furay Hudheelka Cosmopolitan ee Lasvegas 2012-kii kadib markii uu ku kufay wax meel la dhigay, balse dacwadaas ayaa lala laabtay 2014-kii.

Xigasho:BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here