Askari Nabsugida ka Tirsnaa oo  Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
45

Muqdisho(Gudgude)- Askari ka tirsan Ciidammada Nabadsugida dawladda Soomaaliya,  ayaa maanta lagu dilay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay ka qaateen qori AK47 oo uu watay.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta   ayaa u sheegay warbaahinta in Askariga la dilay uu waddada marayay, isla markaana si lama filaan ah ay u toogteen rag bastoolado ku hubeysan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ayaa goobta soo gaadhay, inkastoo aanan la ogeyn inay cid u qabteen iyo in kale, balse kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka cararay, inta aanay ciidammada tagin.

Siday ku warantay shabakada Jowhar, Ciidamo isugu jira Nabadsugid iyo Millatari ayaa saldhig ku leh degmada Huriwaa oo ah meel inta badan falalka amni daro ka dhacaan. Ma jiro cid sheegatay dilkan.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku batay dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo Askar, Saraakiisha ka tirsan Ciidammada dawladda iyo Odayaasha qaarkood ee ka soo qeyb qaatay doorashooyinka ay ku soo baxeen Xildhibaannada Baarlamaanka.

Gudgude/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here