Dawladda Itoobiya oo Shaacisay Qodobbo Waaweyn oo ay Kala Hadashay Guddoomiyaha KULMIYE

0
71

Addis ababa (Gudgude)- Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga waddanka Itoobiya.

Wakaallada wararka ee Itoobiya ee ENA, ayaa warbixin ka qortay kulanka Ra’iisul-wasaare  Hailemariam Desalegn  la yeeshay Weftigii Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, warkaasi oo  ay ciwaan uga dhigtay “Itoobiya iyo Somaliland kor u qaadaya Cilaaqaadkooda” waxa soo turjumay oo warkan ka qoray  Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan,   Cumar Maxamed Faarax, kana mid ah  suxufiyiinta   Hadhwanaag News.

“Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socday Somaliland  ayaa  falanqeeyay  sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac. Itoobiya iyo Somaliland ayaa iska kaashada dhinacyada Ganacsiga, Kaabeyaasha  dhaqaalaha iyo arrimaha nabadgelyada.

Kulankii maanta dhexmaray Ra’iisul-wasaare Hailemariam iyo  weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Guddoomiyaha xisbal xaakimka KULMIYE ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu lafo-guray  sidii si horleh kor loogu qaadi lahaa cilaaqaadka labada dhinac.  Waxa shirkan lagu gorfeeyay  doorashada Somaliland ka qabsoomaysa  iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya ee  ku wajahan Ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo qodobbo la xidhiidha dekedda.

Sida uu wakaallada ENA u sheegay  madaxa warbaahinta ee xafiiska  Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Zadg Abreha,  waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loola diriri lahaa argagixisada oo ay ka mid tahay Al-shabaab iyo  in  iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya  kor loogu sii qaado.

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u caddeeyay  ENA  in weftigoodu ay wadahadallo  wanaagsan la yeesheen Ra’iisul-wasaare Hailemariam oo isla soo qaadeen  taabogelinta xidhiidhkii jiray ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland.

Maxamed Kaahin waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay doonayso in iskaashigii ay la lahayd Itoobiya  ee dhaqaalaha iyo siyaadadda  la sii ballaadhiyo, waxaanay sii adkayn doontaa  cilaaqaadka labada dhinac gaar ahaan  ganacsiga iyo nabadgelyada.”

Gudgudenews/Hargeysa

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here