Murrashax Cirro oo ku Tagay Addis ababa Martiqaad uu ka Helay Ra’iisul-wasaare Desalegn

0
41

Hargeysa(Gudgude)-Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa galabta socdaal ugu baxay dalka Itoobiya, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay rasal wasaaradaha dalkaasi Mr.Hailemariam Desalegn.

Socdaalkan Murrashax Cirro, ayaa waxa ku wehelinaaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weliba Prof.Maxamed Alla-bari oo isna ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo sida oo kale madaxa hawl-wadeenada shaqaalaha ee Murrashax Cirro Aqoonyahan Baashe Yuusuf.

Murrashax Cirro iyo weftigiisa, ayaa la filayaa in ay dalkaasi ku maqnaadaan muddo dhowr maalmood  ah, waxaana la filayaa in halkaas ay kulamo khaasa kula qaadan doonaan raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Mr.Hailemariam Desalegn iyo madax ka tirsan dawladdiisa, ku waasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo khuseeya dhinacyada Somaliland iyo Itoobiya iyo weli ba sida oo kale doorashooyinka fooda ku soo haya Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here