Wasiirkii Gaashaan-dhiga iyo Taliyihii Xooga Soomaaliya oo is-casilay

0
47

Muqdisho(Gudgude)-Wasiirkii Gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Taliyihii ciidammada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa iscasilay maanta.

Siday faafisay BBC-da oo aanu warkan ka soo xiganay,Waxa la sheegay  in wasiirku  uu warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirrada.waxaanu warku intaas ku daray in laga aqbalay istiqaaladiisa.

Dhanka kale, Taliyihii ciidammada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa iscasilay. ka dib markii taliyaha uu xilka ka tagay, madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa magacaabay Taliye cusub oo ay ka dhigeen Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod) kadib markii uu talo soo jeedin ahaan golaha wasiirrada u dhex keenay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Cabdullaahi Colaad Rooble. Wax badan lagama yaqaano taliyaha cusub, balse dawladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayuu kasoo noqday wasiir.

Wasiirka warfaafinta ee dawladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa BBC Somali u xaqiijiyay iscasilaadda saraakiishaas.

Jeneraal Cirfiid ayaa taliyaha ciidammada xoogga dalka loo magacaabay 6-dii bishii April ee 2017-ka, waxaanu  xilka hayaa 7 bilood oo kaliya, Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa loo magacaabay xiligaas Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Wasiir Cabdirishiid oo hore u ahaan jiray guddoomiyihii gobolka Bay ayaa kusoo baxay liiska golaha wasiirrada 21-dii bishii March.

Shirka golaha wasiirrada ee maanta ee lagu aqbalay is casilaadiisa ayaa waxa guddoominayay Ra’isulwasaare ku xigeenka  Mahdi Axmed Guuleed, mana la sheegin cidda lagu beddelayo wasiirka is casilay.

Gudgude.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here